FADEEXAD: Xabsi ku yaalla Maraykanka oo lagu helay in min taliye ilaa ilaalo ay maxaabiista kufsadaan (Dabagal)

0

(Dublin, CA) 07 Feb 2022 – Xabsi ay maamusho dawlada dhexe ee Federaalka Maraykanka oo ku yaalla Dublin, California, ayaa la sheegay in laga ogol yahay welibana la daboolo xadgudubyo dhanka galmada ah oo ee ay sameeyeen xubnaha halkaa ka howlgala, sida lagu sheegay warbixin ay heshay Associated Press, oo xiganaysa war ay hay’adda internal Federal Bureau of Prisons ka heshay dad halkaa ku xirnaa iyo shaqaale ka howlgelayey.

Sida ku cad dukumeentiyada, eedeymaha xadgudubka ee lagu haysto ilaalada xabsiga ayaa la iska indhatiray, waxaana maxaabiista qaarkood lagu ciqaabay xabsi kali ah kaddib markii ay hadleen.

Taliyaha xabsiga laftiisa ayaa lagu eedeeyay in uu teleefankiisa ku keydiyay sawiro qaawan oo laga qaaday maxbuus sida lagu eedeeynayo uu faraxumeeyay, sida uu sheegayo baaritaanku.

Mid ka mid ah waardiyaasha ayaa la sheegay in uu qirtay in uu doonayay in uu ”uur u yeelo haweenka maxaabiista ah”, halka sarkaal kale oo ka tirsan xabsiga lagu eedeeyay in uu qof maxbuus ah ku sallimay inuu la shaqeeyo ilaalo uu kufsi ku eedeeyey, isaga oo weliba si cad ugu sheegay in la joogo waqtigii “uu ogolaan lahaa inay ciyaaruhu bilaabmaan.”

Dhaqanka kufsi ee ka jira xabsigan California ku yaalla ayaa sida uu u daran yahay waxaa uu gaarey in ilaalada iyo maxaabiista qaarkood ay ula baxaan magaca “naadigii kufsiga.”

Hadalsame Media