”TOOS – Ruushka oo weeraray Ukraine!” – Bloomberg News oo qaadday tillaabo la is waydiinayo!

0

(New York, NY) 05 Feb 2022 – Hay’ad wareedka caanka ah ee ee Bloomberg ayaa daabacday ciwaan u dhignaa, ‘TOOS: Russia ayaa ku soo duulay Ukraine’. Waxa ayna ugu kor marisay boggeeda abbaaraha saqdii dhexe ee waqtiga Moscow kaasoo halkaa saarnaa ku dhawaad nus saac, kahor inta aan la saarin oo raaligelin laga bixin khaladkaasi.

Dadkii gujiyey sheekadan naxdinta leh intay weli kor u kacday ayaa markii dambe ka war helay in warkii bogga laga saaray, sida uu sheegay New York Post.

Sawirada shabakadda Bloomberg ee lagu wadaago Twitter-ka ayaa muujinaya in sheegashadan dareenka leh aan si wayn looga dareemin dhankaas ugu yaraan 24 daqiiqo kahor inta aan la tirtirin.

Bloomberg ayaa qiratay khaladka dhacay, iyada oo sheegtay in ay “diyaarinayeen cinwaanno loogu talagalay xaalado badan sida ciwaanka ‘Ruushka Ku soo duulay Ukraine’ kaasoo si khalad ah oo kama’ ah loo daabacay 4-tii galabnimo xilliga Maraykanka.

“Si qotodheer ayaannu uga xun nahay khaladka. Cinwaanka waa la saaray sababtana waannu baaraynaa.” ayay Bloomberg raacisay xog-siin kooban oo khalad qirasho ah (mea culpa).

Saxaafadda & siyaasadda reer Galbeedka ayaan qarsan sida ay ugu ololaynayaan in uu Ruushku weerar ku qaado Ukraine, balse arrintan ayay dad badan oo arrintan u dhuul daloolaa ku tilmaamayaan tillaabo dheeri aan caadi ahayn.

”Sidee tani ku dhacday?!” – Ayay soo qortay Olga Lautman oo ah cilmi baare aad ula socota arrimaha Ruushka iyo siyaasadda Kremline-ka dalkaasi.

Hadalsame Media