Qoondada haweenka ee dalalka IGAD oo uu hoggaaminayo dal aanad filaynin & falanqayn la socota (Halkee ku jirtaa Somalia?)

0

(Hadalsame) 05 Feb 2022 – Dalka Somalia ayaa kasoo kabanaya colaado burburiyey nidaamkii dalka oo salka ku hayey kala eed-sheegashooyin aan la xallin, cadaalad darro iyo sidoo kale deg deg badan iyo dadka oo marar badan kud iyo qanje u kala guura.

Yeelkeede, soo kabashada oo ay sal u tahay in la dhiso hay’aad la yimaada waxqabad wax ku ool ah ayaa waxaa hay’adahaa la dhisayo oo aan weli karti iyo mug micne leh aanu ka muuqan waxaa ka mid ah Baarlamanka DF Somalia.

Haddaba, waxaannu eegaynaa arrin la yiraahdo ”qoondada haweenka” oo ay Somalia tahay dalka qura ee loo go’aamiyey in ay Baarlamanka ku yeeshaan 33%, taasoo ka dhigan 1/3 marka la qaybiyo kuraasida baarlamanka.

Dad badan ayaa qaba inaysan taasi keenaynin natiijada la raadinayo oo qoondada qabyaaladda iyo midda jinsigu ay marar badan dhalinayso in baarlamanka laga soo buuxiyo dad aan karti lahayne uun kaliya u shaqeeya qofkii iyaga keensaday rag iyo dumarba.

Waxay dadkaasi qabaan aragtida ah in qofka lagu raaco waxtarkiisa deeto xitaa haddii ay dadwaynuhu doortaan haween ka badan qoondada loo asteeyey la aqbalo haddii karti iyo tayo lagu soo doortay, balse aan kaliya la raacin buuxinta qoondada oo u fashilan sida qoondada qabyaaladda ee 4-5 oo iyaduna soo saartay dad badan oo aan ehel u ahayn howsha loo diray qaar badanina ay bannaanka ku joogaan rag ku hayb ah oo kursigii fadhiya darteed.

Hoos ka eeg boqolleeyda haweenka ee dalalka IGAD oo ay Somalia ku jirto. Dalalkan kama jirto qoondo haween, balse qaar baa Somalia ka sarreeya sida Itoobiya iyo Uganda, qaarna way ka hooseeyaan sida Kenya, Jabuuti iwm.

Midda qura ee ay dalalkani ka siman yihiin waa inaanu nidaamkoodu hufnayn haba is dhaamaane, waxa ugu muhiimsan ee loo baahan yahayna ay tahay in la hufo nidaamka dalalkan.

Gaar ahaan Somalia oo baahida ugu badan u qabta hay’ado waxtar leh kuwaasoo iyaguna u baahan dad karti leh, taasoo aan ku iman doonin qoondo marane u baahan qorshe qaran.

Waxaa Qoray: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media