Ciidamo ka tirsan DF Somalia oo ku kacay fal aad looga noxo & baaq ku socda madaxdooda (Daawo)

0

(Muqdisho) 05 Feb 2022 – Hooyo Khadiijo Max’ed Nuur waxay ahayd hooyo dan yar ah oo korisa mas’uulna ka ahayd ciyaal iyo cirroole iyada uun quud ka dhoowrayey.

Waxay ku kallihi jirtey meherad yar oo aan xitaa dhisme lahayn oo ku taalla jidka dhiniciisa halkaas oo ay ku iibin jirtey cunto iyo shaah si ay ugu deberto nolosha 4 carruur ah oo ay dhashay iyo waalidkeed oo gacanteeda uun wax ka sugayey.

Haweenaydaa danyarta ah, sida marar kale oo badanba dhacda, waxaa shalay Suuqa Bakaare 2 oo ku yaalla Ceelasha Biyaha aroornimadii 4-tii subaxnimo ee aan weliba Salaaddii Subax la gudan ku toogtey oo ku diley nin lagu sheegay inuu yahay askari ka tirsan Ciidamada DF Somalia.

Askariga oo kolonyo ciidan ah oo Somalia ah oo la socdey ayaa la sheegay inuu hooyada markii hore u yimid isagoo ku amray inay meesha ka wareegto, balse uu markiiba inta kusoo noqday uu 2 xabbadood ku dhuftay.

Arrintan ayaan sinaba uga tirsanayn dhaqan askari iyadoo inta badan aysan ciidamadu fahamsanayn doorka ay ku leeyihiin bulshada, taasoo ah dhaqan salka ku haya xisaabtan la’aanta maamulka sare min taliye ilaa wixii kasii sarreeya.

Hadalsame Media