”Qarka ayaan u saaran nahay!” – Cabsida & rajada ku xeeran badbaadinta Rayaan Yare (Wararkii ugu dambeeyey)

0

(Rabaad) 05 Feb 2022 – Samatabbixiyeyaasha oo si aad ah iskugu dayaya in ay gaaraan wiil shan sano jir ah oo ku dhacay ceel dheer oo ku yaalla Morocco ayaa galaya heerkii ugu dambeeyay ee howlgalkooda.

Habeenkii oo dhan waxa ay ka shaqaynayeen sidii ay u heli lahaayeen wiilkan, oo ay warbaahinta maxalliga ahi ku sheegtay Rayaan al-Maqribi, kaas oo ku dhacay ceel baaciisu yahay 32 mitir (104 cagood) afar maalmood kahor.

Howlgalkan oo ahaa mid adag ayaa maalmo kahor ka bilowday dalkan dhaca Woqooyiga Afrika, waxaana goobta isugu soo baxay kumannaan qof.

Cabsida ugu badani waxay ka jirtaa inuu dhaco waxa loo yaqaan dhul go’ taasoo shaqada badbaadinta ka dhigtay mid ka khatarsan sida la jeclaan lahaa.

Khatartan oo ay weheliso isku dhafka ciidda dhagaxa leh iyo ciidda bacaadka ah ayaa waxay ka dhigan tahay in badbaadiyaashu ay 2 jeer ka fikiraan furista salka ciriiriga ah ee ceelka.

Taa baddalkeeda, cagaf-cagafyo ayaa loo adeegsaday in lagu qodo god wayn oo ceelka agtiisa ah, mas’uuliyiintuna waxay sheegayaan in ” qarka loo saaran yahay in wiilka la gaaro”.

Hadalsame Media