Wararkii ugu dambeeyey wiil yar oo ku dhacay ceel baac dheer & arrinta ugu welwelka badan + Sawirro

0

(Rabaad) 04 Feb 2022 – Dadka wax badbaadinaya ee dalka Marooko ayaa saacadda la hardamaya si ay u badbaadiyaan wiil yar oo ku xanniban ceel dheer ku dhowaad 3 maalmood.

Waxaa soconaya howlo xasaasi ah oo samata bixin ah si loo badbaadiyo Rayaan oo 5-jir ah oo ku jira gunta hoose ee ceel 32-mitir (100-cagood) ah, iyadoo sidoo kale laga welwelsan yahay in cadaadiska qoditaanku uu ceelka dumiyo.

Waxaa sidoo kale aan had iyo goor fiicnayn tayada iyo tirada ogsijiinka laga heli karo meel 30 mitir ka badan ka hooseeysa oogada dhulka, balse kaamirooyin la dhex geliyey ceelka ayaa muujinaya inuu wiilku weli nool yahay.

Afhayeen u hadlay Dowladda Marooko oo lagu magacaabo Mustapha Baitas ayaa ballanqaad siiyey qoyska wiilka yar iyo shacabka isagoo sheegay “inay Alle ka baryayaan inuu dib ula midoobo qoyskiisa sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Sawirrada laga soo qaaday wiilka ayaa muujinaya in wiilka yari uu egyahay inuu meel ku xanniban yahay ama ay ku dheggan tahay, taasoo dhici kara marka dhererka ceelka, culayska wiilka iyo tamarta cufis-jiidadka la isku daro.

 

Hadalsame Media