Israel oo samaysay weerar metelaad ah oo ka dhan xarumaha nukliyeerka Iran (Dal qura oo dhoollatuskan joogey)

0

(Hadalsame) 03 Feb 2022 – Ciidamada Cirka ee Israa’iil ayaa sameeyay dhoollatus metelaad ah oo ku saabsan weerar millateri oo culus oo ay ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran bartamihii bishii Janaayo, tiro ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sidaa shaaca ka qaaday, iyadoo dhowr iyo toban diyaaradood ay ku lug lahaayeen duqeyn “balaaran” oo lagu beegsaday xarumaha Nukliyeerka ee dalkaas, sida layliga lagu sameeyey.

Layligan waxa qayb ka ahaa shidaalka dayuuradaha lagu siiyo hawada, weerarrada is-hortaagga ah, iyo kahortagga iyo fasaqidda daafaca lidka diyaaradaha ee cadowga, iyada oo ay Ciidamada Cirka Maraykanku goob joog ka ahaayeen dhoollatuskan oo si qarsoodi ah loo sameeyey.

Soo bandhigida dhoollatusyadan ayaa imaanaya iyadoo wada xaajoodyadii ku saabsanaa barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Iran uu istaagay, kaddib markii Maraykanka uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Wadajirka ahaa (JCPOA) 2018 waxayna deeto dabaqday cunaqabatayn dhaqaale taasoo horseeday in Iran ay kordhiso hawlaheeda kobcinta nukliyeerka.

Israa’iil ayaa si gaar ah uga soo horjeesatey heshiisyadii hore ee Washington iyo Tehraan, halka Maraykanku uu tilmaamay inay ka fiirsan karaan tallaabo milliteri oo ay ku jiraan weerar lagu qaado Iran haddii ay ku guul darreysato natiijo lagu gaaro wadahadal.

Ka bixitaanka Maraykanka ee heshiiskii hore ayaa si gaar ah u wiiqay taageerada caalamiga ah ee mawqifkiisa, iyadoo aan laga yaabin in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyo weerar la qaado sababo la xiriira awoodaha diidmada qayaxan ee labada xubnood ee aan reer galbeedka ahayn ee Shiinaha iyo Ruushka oo Iran la safan dartood.

Haddii aan ogolaansho noocaas ah la helin weerar kasta oo lagu qaado Iran wuxuu noqonayaa sharci-darro iyo dambi gardarro ah oo xadgudub ku ah Axdiga Qaramada Midoobay.

Yeelkede, awoodda ay Israel u leedahay inay baabi’iso xarumaha nukliyeerka Iran iyada oo aan nukliyeer adeegsan ayaa su’aal la gelinayaa, marka la eego masaafada ay Iran u jirto Israel taasoo ka dhigan in ay dayuuradeheeda ku adag tahay in iyaga oo aan shidaal dhex lagu siinin ay gaaraan meel ka fog bartamaha iyo bariga Iran.

Israel ayaa horay u weerartay xarumo ay sheegtay in nukliyeer lagu diyaarinayey oo ay leeyihiin dalal Muslim ah. 1981-kii oo ay Ciraaq weerartay iyo 2007-dii oo ay Suuriya weerartay.

Hadalsame Media