SIR CULUS: Sirdoonka Maraykanka oo kashifay arrin uu Ruushku la damacsan yahay daroonnada Turkiga

0

(Hadalsame) 04 Feb 2022 – Maraykanka ayaa helay xog sirdoon oo tilmaamaysa in Dowladda Ruushku ay dejisay qorshe ay ku doonayso in ay ku samayso weerar been abuur ah kaas oo muujinaya in Ciidamada Ukraine ay daroon ku weerareen Ruushka, si qiil loogu helo weerar uu Ruushku ku qaado Ukraine, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden iyo warbixino kale ay sheegayaan.

Tan ugu darani waa in ay xogtan sirdoon ee Maraykanka ihi ay Ruushanka ku eedaynayso inuu isticmaali rabo daroonada Turki-sameega ah ee Bayraktar TB2, taasoo qayb ka ah howlgalkan la isu taagayo waxa loo yaqaan ”calanka beenta ah”, sida ay werinayso The Associated Press (AP) oo xiganaysa saraakiil ka gaabsatay in la magac dhabo.

Warka ayaa intaa raacinaya in Ruushku uu awalba aad uga xumaa in Turkigu uu daroonnadan siiyo Ukraine, kuwaasoo ay ku burburiyeen malliishiyaad uu Ruushku taageero oo ka dagaallama gobolka bariga Ukraine ku yaalla ee Donbass, tiiyoo uu xiriir wanaagsani ka dhexeeyo MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan iyo labada madaxwayne ee Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Zelenskyy oo uu xitaa u wadacay inuu dhexdhexaadiyo.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka, John Kirby, ayaa isna tilmaamay in qorshahan uu ka mid ahaa soo saarista muuqaal dacaayad ah oo aad u foolxun oo muujinaya qaraxyo la jilay iyo sawirro maydad iyo dad baroor diiqaya oo ku hadlaya afka Ruush.

Qorshahan lagu sameeyey weerarkan been abuurka ah ee uu Ruushku doonayo inuu u dhigo mid lagu qaaday dhulka Ruushka ama dadka ku hadlaya afka Ruushka ayaa shaaca laga qaaday waxaana lala wadaagay saraakiisha Ukraine iyo xulafada Yurub maalmihii la soo dhaafay, sida ay warbixintu sheegayso.

Waa eedeymihii ugu dambeeyay ee Maraykanka iyo Britain ka yimaada ee ku qotoma in Ruushka uu qorsheynayo inuu adeegsado marmarsiiyo been abuur ah si uu dagaal ugu qaado Ukraine.

Aqalka Cad ayaa bishii Diseembar ku eedeeyay Ruushka inuu sameeyay hawlgal “been abuur ah” si loo abuuro marmarsiiyo duullaan.

Britain ayaa iyana dhowaan magacawday dad gaar ah oo Ukrain ah oo ay ku eedaysay in ay xiriir la leeyihiin saraakiisha sirdoonka Ruushka ee qorsheynayay in ay afgambiyaan Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Yeelkeede, Ruushka oo dhowaan hadlay ayaa meesha ka saaray inuu weerar la damacsan yahay Ukraine taasoo uu ku tilmaamay naar ay kaligood afuufayaan reer Galbeedku.

Hadalsame Media