”Waxaa jirta meel ay Somalia nagu dhaanto!” – Dood kacday 2016-kii oo markale kasoo noolaatay Hindiya

0

(Ahmedabad) 25 Jan 2022 – Waxaa markale soo noqotay in Somalia wixii xunba loogu hal-qabsado, taasoo ay horay u sameeyeen madax iyo askhaas caan ah oo kala heerar iyo maqaam duwan.

Rajendra Kumbhat oo ah gayfane Hindi ah ayaa soo qaatay tirakoob kasoo baxay Hay’adda Sahanka Caafimaadka Qoyska oo ku saabsan Gobolka Gujarat oo mar hore lagu daabacay warqaadka The Hindu, kaasoo uu kusii daray xog kale oo uu isagu ka qoray Somalia.

Wuxuu sheegay in waxbarashada Gobolkan oo ah midka 5-aad ee ugu ballaaran Hindiya ay ka qaybgaleen dad ka yar Somalia marka la eego dhulalka reer guuraaga.

Tirakoobka Hay’adda Sahanka Caafimaadka Qoysku wuxuu muujinayaa in 29% ay gabdhaha ku nool dhulalka reer guuraagu ka qaybgaleen waxbarashada dugsiga sare marka loo eego Somalia oo ah 94%,” ayuu soo qoray.

”Dhanka ragga 45% oo ah dadka reer guuraaga ah ayaa ka qaybgashay waxbarashada dugsiga sare, marka loo eego Somalia oo ah 91%.” ayuu daba dhigay.

RW Hindiya, Narendra Modi, ayaa 2016-kii horay u sheegay in Gobolka Kerala uu ka liito Somalia marka ay timaado ilmaha umul raacadka ku dhinta, taasoo ka caraysiisey dadka Keralite-ka ah ee deggan gobolkaa oo ah mid caan ku ah xeeb dheer, xoolo nool iyo beero.

Dadka qaar ayaa xilligaa aad ugu gefayey Somalia iyadoo ay siyaasiyiinta gobolkaa qaarkood ”sharaf dhac” ku tilmaameen in lagu masaalo Somalia, halka dadka qaarkood ay codsanayeen inaan la maagin Somalia ee kaliya Modi loo jawaabo. Halkan ka arag.

 Hadalsame Media