5 khalad oo ku jira kiiska aadka loo karis dhaafiyey ee Qalbi-dhagax iyo sida loola kufay!

0

(Hadalsame) 25 Jan 2022 – Waxaa 23-kii bishan war kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirrada Xil-gaarsiinta ah lagu sheegay in ONLF laga saaray liiska argagixisada oo ay horay ugu dartay XFS oo u muuqatey mid ku yara sastay dhiibistii Qalbi-dhagax oo loo gacan geliyey Itoobiya oo ay xilligaa xukumayeen nidaam weli hoos tegayey TPLF.

Dhiibista Qalbi-dhagax waa mid lagu barriiqday oo aanu raalli ka noqon karin qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan marka ay arrintaa samayso Dowlad haysata sharciyad heer qaran ah, waayo waa arrin ka hor imanaysa Dastuurka dalka.

Awal way jirtey maamullo dad dhiibey, balse kuwaasi waa iska nidaamyo qabali ah oo aan aragti qaran markii horeba lagu dhisin, waloow ay ahayd inay laftoodu wax xeeriyaan oo aysan cadow u dhiibin qof Soomaaliyeed.

Yeelkeede, waloow arrintan si khaldan loo maareeyey min bilow ilaa dhamaad wax qiil ahna aan loo haynin, misna waxaa jira dhowr arrimood oo ay tahay in horta la iftiimiyo kahor inta aynaan la ordin arrin aan si wanaagsan u haadsanayn.

1 – Gole Wasiir cidna iyagu si rasmi ah liis uguma daraan ugamana saaraane waxay soo jeediyaan hindise ku saabsan in sidaa la yeelo oo loo gudbiyo baarlamanka dhexe oo marka uu arrintaa isagu u codeeyo oo ansixiyo uu hindisahaasi sharci rasmi ah ku noqdo saxiixa madaxwaynaha.

2 – Waa wax lagu qoslo ah in haatan uu Golaha Wasiirradu yiraahdo ”ONLF ayaan ka saarnay liiska argagixisada ama wax khalad la saxayaa”, maadaama uu 2017-kii Baarlamanka DF Somalia arrintaa markiiba laalay sidaa darteedna aanay sharciyanba ONLF marna Somalia ugu jirin wax la yiraahdo ”liis argagixiso”, marka haddii la dhihi lahaa waa hindise socon maysoo Xukuumaddii hore ayaa waxaaba hindisahan ka diidey Baarlamanka DF Somalia.

3 – ONLF in liis argagixiso lagu daro ama laga saaro haatan micne samayn mayso oo waaba xisbi siyaasi ah oo sheegay inuu si nabdoon uga qaybgalay siyaasadda Itoobiya.

4 – Xitaa haddii aanay jiri lahayn 3-da qodob oo aannu soo xusnay marna howl ay tamar, waqti iyo sharciyad u hayso ma aha xukuumadda xil-gaarsiinta oo ay tahay in ay diiradda saarto howlaha maxalliga ah gaar ahaan doorashada, ammaanka iwm, wixii ku saabsan xiriir dibadeedna lala sugo nidaamka dhalan doona ee rigliga ah.

5 – Arrinta Qalbi-dhagax waa qaddiyad uu runtii ka xun yahay qof kasta oo damiir Soomaaliyeed leh, balse misna waxaa iyaduna sideeda khalad u ah in laga dhigto kaar siyaasadeed, waayo qofkii doonaya inuu Somalia wax u qabto waa inuu la yimaadaa qorshe siyaasadeed iyo hannaan qodobaysane Qalbi-dhagax baa la dhiibey oo qur ihi kuma filla. Waa sida kaararka ”bad baa la gatay”, ”hebelba horay ayuu sidaa u yiri” iwm oo waxay geleeysaa meermeerto dhib badan oo ay ummaddu kusii qaybsamayso, wax ummadda qaybinayana Somalia xilligan dani uguma jirto.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media