HALIS ISTARAATIJI AH: Itoobiya oo Somaliland laba daran kala dooransiinaysa! (Hawd II)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Waa Laba Daran Mid Dooro. Siyaasiyiinteennu awal ba iyagaa ina odhan jiray Itoobiya waa walaalaheen, maanta na iyagaa eeday oo ay qool madaxa u gelisay.

Waxa lala ciyaaray siyaasad aanay aqoonin ba oo geopolitics la yidhaa. Geopolitics waa siyaasad boqol guuro ah, waa qorshaha iyo yoolka siyaasadeed ee 100 ka sano ee soo sacda lagu jaangooyo khayraadka dhulka hoostiisa ku kaydsan iyo kan dhulka korkiisa iyo siyaasadii lagu hoggaaminaayey gobol, qaarad ama caalamka. Waa siyaasada maraykanka iyo xulufadiisu ku dhaqmaan ee caalamka ku hoggaaminayeen 100 kii sano ee ugu danbeeyey.

Innaga na iskabadaa in aynu lahaano geopolitics ee xataa maba lihin han geopolitics.

Hadda ba Itoobiya iyo caalamka gaalada oo uu maraykan horkacayo waxay deked u raadinayaan 100kan milyan ee bilaa dekeda ah siday dawladii Barak Obama sheegtay.

Si fiican na waa ugu diyaar garowday Itoobiya boqol guuradaa mustaqbalka geeska Afrika oo ciidan baddeed waa dhisatay, Maraakiib dagaal iyo Maraakiib Xamuul ba na waa samaysatay.

Itoobiya siyaasiyiinta somaliland muxaafid iyo mucaarad ba waxay hor dhigtay laba daran mid dooro; Dekedda Saylac noo saxeexa oo naga kireeya anagaa dhisanaynee.

Haddii aad diiddaana waanu idinka goyn doonaa Gobolka Awdal oo Maamul-goboleed Awdal State layidhaah ayaanu samayn doonaa oo dekeda Saylac aanu kala heshiin doonaa oo noo saxeexi doona bilaa hadal.

M Muuse waatii Itoobiya u yeedhay, kadib M Cirro na waatii loo yeedhay ee uu weli ku maqan yahay.

Haddii ay saxeexaan u daran, haddii ay diidaana u daran oo waa laba kala daran mid dooro.

Sidoo kale MW Farmaajo ayaa isna qoolka qoorta kula jira oo Aby Ahmed wada galeen heshiiskii geeska Afrika.

Nimankaa maanta mustaqbalkoodii daruuro madow ayaa dul hoganaaya oo taariikhdoodii mugdi ku hadheeyey ee bal waa siday uga dabaashaan uun aynu dhawro.

Dekedda Saylac waxa ay ahayd Dekedii Diridhaba iyo Harar qarniyadii hore. Waa na deked taariikhiya, gaar ahaan ummadda soomaaliyeed.

Hadda ba dadku waxay moodayaan Itoobiya inay xoog ku qabsanayso dekeda Saylac oo waxay ku leeyihiin ba waanu iska celinaynaa, laakiin xoog maahee waa xeelad siyaasadeed oo ka xeeldheer siyaasiyiinta soomaalida.
Ismisa ayaanu lahayn war kadaaya Itoobiya walaalo ma nihine, warkadaaya Gaalo iyo Muslimiin walaalo ma noqdaan oo ILLAAHAY ba walaalo kamuu dhigine.

Allamagane waan arkaa
Inay talo kugu adkaatoo
Cidna aad eersan wayde
Laba eegga dhaaxaad
Afar qaaday socodkee
Haddaad uub ka lulataa

Bulshadeennu na maaweelo iyo dhalanteed bay ku jirtaa sidii dhalaanka, waa ummad waxmagarato iyo maangaab miidhan ah oo dareenkooda iyo garaadkooda maalin ba cayn loogu ganaaxsanaayo oo waa wada Ismoog ah.

W; D: Dhulbeeg Axmed Mooge

Hadalsame Media