Dal Yurub ah oo ay ku yaraadeen Soomaalida iska dhiibaysa balse ay bateen Soomaalida dhalashada ka qaadanaysa

0

(Hadalsame) 25 Jan 2022 – Ilaa 11,414 codsi oo magangalyo doon ah ayaa la guddoomey sanadkii 2021, taasoo ah hoos u dhac gaaraya 12% marka loo eego 2020. Codsiyada badankood waxay ka yimaadeen dadka asal ahaan ka soo jeeda Afgaanistaan, Suuriya iyo Ciraaq, Hay’adda Socdaalka ayaa ku qortay shabakadeeda. Waxaa aad hoos ugu dhacay dadka ka iman jirey Somalia.

Yeelkeede, waxaa booskii magangelyo doonka gashay tirada oggolaanshaha shaqada la siiyey oo korodhay ku dhawaad ​​7,000 sannadkii hore ee 2021, 39,270 ogolaansho ayaana la bixiyay. Sannad kahor, tiradu waxay ahayd 32,379.

Sida lagu qoray GP, waddamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan dadka helay rukhsadda shaqadu waxay kasoo jeedeen Thailand, oo ay ku xigto Hindiya iyo Ukraine. Ruqsadaha shaqada intooda badan waxaa kooxdan lagu siiyay xirfadley ahaan, sida dadka beera khudaarta, jardiinooyinka iyo sidoo kale xirfadaha dhinaca IT.

Dhanka kale, 71,229 qof, oo ka mid ah ku dhawaad ​​76,000 oo codsi oo dhalasho lagu dalbanayey ayaa soo gaarey Waaxda Socdaalka, waxaana dadka dhalashada Swedish-ka la siiyey u badan dad ka yimid Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan.

Hadalsame Media