”Erdogan wuxuu weeraray xaaskayga aabahayna wuu xiray!” – Laacib caan ah oo hadda tagsi ku wada Maraykanka

0

(Hadalsame) 25 Jan 2022 – Halyeeygii Galatasaray iyo Xulka Turkey ee Hakan Sukur ayaa haatan tagsiile ka ah Maraykanka oo uu musaafuris ku joogo kaddib markii uu Turkiga ka eryey MW Recep Tayyip Erdogan.

Sukur oo sidoo kale usoo saftay kooxo caalami ah sida Inter Milan, Parma iyo Blackburn Rovers, ayaa siyaasadda galay kaddib markii uu ciyaaraha ka fariistay, isagoo galay xisbiga Erdogan ee Cadaaladda & Horumarka (AKP) sanadkii 2011 bals ka baxay 2 sano kaddib si uu ugu tartamo sidii siyaasi madaxbannaan.

Sukur oo ay isku dheceen MW Erdogan ayaa lagu eedeeyey inuu qayb ka ahaa abaabulka afgembigii fashilmay ee Turkiga, wuxuu mar sheegay in “Erdogan aanu waxba u reebin oo uu ka qaatay xorriyaddiisii iyo xaqii uu u lahaa inuu dalkiisa ka shaqeeysto” mar uu u warramay Daily Mail.

Sukur wuxuu haatan kexeeyaa Uber

Sukur oo sheegay “inuu neceb yahay nidaamka haatan jira balse aanu la dirirsanayn dowladda guud iyo qaranka Turkiga oo uu sheegay inuu jecel yahay.”

Wuxuu sheegay in markii ay Erdogan isku dheceen kaddib la weeraray dukaan ay xaasikiisu leedahay, ilmihiisa la handadey aabihiina la xirey, halka hantidiisii oo idil lala wareegey.

“Sidaa darteed baan ugu soo wareegey Maraykanka, bilowgii waxaan maqaaxi ka furtay  California, balse dad aanan aqoon ayaa bilaabay inay maqaaxida yimaadaan. Hadda waxaan kexeeyaa tagsi Uber ah waxaana iibiyaa buugaagta.” ayuu yiri, taasoo uu bishii hore ee Diseembar 2021 uu bilowgii wax ka qoray The Sun.

GUULAHA QARAN – Sukur ayaa xulkiisa oo uu weerar u ahaan jirey u dhaliyey 51 gool 112 kulan, isagoo wacdaro ka dhigay KA2002 oo uu Turkey keenay kaalintii abid ugu sarreeysey oo ah 3-aad, halka uu isla KA2002 uu ka dhaliyey goolkii ugu dhaqsaha badnaa oo uu 11 ilbiriqsi uga xareeyey South Korea.

Hadalsame Media