Cabsi sii kordhaysa & waxa uu Maraykanku samayn doono haddii uu Ruushku weeraro Ukraine

0

(Washington, DC) 25 Jan 2022 – Waxaa jirta cabsi sii xoogaysanaysa oo ku dhisaalan in ay dhici karto in Ruushku uu weerar ballaaran ku qaado dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, waloow ay Kiev arrintaa meesha ka saartay jeer ay Galbeedku shaqaale badan ka daadguraynayaan halkaasi.

In kasta oo Ukraine aanay xubin ka ahayn Gaashaanbuurta NATO oo aanay isku hallayn karin heshiis wadareedka amni ee isbahaysigan haddii ay dhacdo in lasoo weeraro, misna waxay xiriir dhow la samaysatay dhawr xubnood oo NATO ka tirsan waxayna bilaabeen inay taageero millatari ka helaan tiro dalal ah oo ku jira isbahaysiga.

MW Maraykanka ee Joe Biden ayaa adag meesha uga saaray inuu Maraykanku faragelinayo si uu u taageero Ukraine haddii ay dhacdo in lasoo weeraro, balse tan iyo bishii Diseembar 2021 wuxuu aad u kordhiyey kaalmada uu siiyo dalkaasi.

Bishii hore waxa uu Maraykanku Kiev gaarsiiyey $200 milyan oo dheeraad ah oo gargaar ciidan ah sida hub, rasaas, raadiyaha fooniyaha, agab caafimaad iyo gantaalaha garabka laga tuuro ee Javelin oo lagu dilo gaadiidka gaashaaman, taasoo halis wayn ku noqon doonta tawaangida Ruushka ee haatan hoganaya xadka bari ee dalkaasi.

Safaaradda Maraykanka ayaa sidoo kale Kiev uga dhawaaqday in ay halkaa gaynayaan gargaar kale oo dheeraad ah waxaana ku jirey dayuurado kuwa xamuulka ah oo qumaati u duula oo Ruush-samee ah, halka ay dalal kale oo Galbeed ihina ay halkaa ku gurayaan hub iyo saanado kala geddisan.

Hadalsame Media