Somalia oo lagala baxay kaalinta 1-aad ee dalka ugu musuqsan Afrika (Qiimaynta 5-tii sano ee ugu dambeeyey)

0

(Hadalsame) 25 Jan 2022 – Somalia ayaan caalmiyan kaalinta 1-aad ka bixin marka ay timaaddo dhanka qiimaynta dalalka ugu musuqa badan dunida, waana booska qura ee caalami ah ee ay Somalia si joogto ah u difaacato, sida uu qabo Corruption Perceptions Index (CPI).

Yeelkeede, Somalia ma aha dalka ugu musuq badan qaaradda madow ee Afrika oo mararka qaar ayay dalal kale kaalinta 1-aad ka galaan sida ka muuqata qiimayntan CPI ee sanadihii ugu dambeeyey.

Si kastaba se tiiyoo aanay Somalia mar kasta kaalinta 1-aad gelin misna wax badan uma jirto oo waxay dhanka musuqa Afrika ka ciriirsataa kaalinta 2-aad.

Tusaale ahaan, 5-tii sanadood ee ugu dambeeyey Somalia 2 jeer waxay Afrika ka gashay 2-aad, halka ay 3-da kalena kusoo baxday kaalinta 1-aad.

Waxaase jira in Somalia walow ay musuq badan aysan misna run ahaantii kaalinta 1-aad ku jirine ay jiraan dalal kasii daran, balse ay shirkadaha wax qiimeeyaa iska sameeyaan waxa loo yaqaan ”falanqayn daallan” (Lazy analysis) oo aan xitaa la cabiri karin musuqa Somalia maadaama aanu dalku lahayn nidaam maaliyadeed oo dhexe oo isku xiran iyo hannaan si buuxda loo raadraaci karo.

Hadalsame Media