Ruushka oo si gaar ah u hadal haya hub culus oo ay UK & Sweden sameeyeen oo la geeyey Ukraine (Daawo)

0

(Kiev) 19 Jan 2022 – Wasiir Xigeenka Gaashaandhigga Ukraine, Anatoly Petrenko, ayaa sheegay in hubkan cusub “loo isticmaali doono si gaar ah ujeedooyinka difaaca,” si loo ilaaliyo ciidamada iyo dadka rayidka ah “ficil kasta oo keeni kara in ay sii korodho.”

Petrenko ayaa uga dalka UK mahadceliyey shixnadda.

Warbaahinta Ukraine ayaa ku warrantay in shixnadaasi ay ku jiraan hannaannada gantaalaha garbaha laga rido ee loo yaqaan NLAW. Waxaa loogu talagalay inay burburiyaan taangiyada dagaalka iyo gaadiidka kale ee gaashaaman, waxaana si wadajir ah u sameeyay Sweden iyo UK.

Ukraine waxa ay noqotay mid si isa soo taraysa ugu tiirsan kaalmada millatari ee reer Galbeedka sannadihii la soo dhaafay. 2021, Kiev waxa ay Washington ka heshay 30 hannaan oo ah gantaalaha lidka taangiyada ee loo yaqaan Javelin.

Hadalsame Media