Qalbi-Dhagax oo shir jaraa’id qabtay kusoo dhoweeyey go’aankii Golaha Wasiirrada (Arrimo uu faahfaahiyey)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa soo dhoweeyey go’aankii ay Golaha wasiirrada Soomaaliya uga saareen liiskii lagu daray ee argagixisada, mar uu caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qalbi-dhagax oo go’aankan ku tilmaamay mid geesinnimo leh, isagoo go’aankii 6-kii Sebtembar 2017-kii ay gaartey Xukuumaddii Khayrre ku tilmaamay mid meel uga dhacay sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo jarriimo sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalidu aysan 5 iyo 6 midna ahayn balse uu gumaysigii reer Yurub ee Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiisku ay sidaa u qaybiyeen iyagana aan wax talo ah laga waydiinin.

“Mas’uuliyadda koowaad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kaddib markii la i dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas magtiisii anigaa dhiibayee,” ayuu yiri oo sheegay in Xukuumadda Rooble ay boogtaa dhayday.

”Sidoo kale Golaha Wasiirrada isagaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubnood wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmiga ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Si kastaba, ONLF ayaa haatan ku biirtay siyaasadda Itoobiya iyadoo isu rigtey xisbi siyaasi ah, waloow aysan faahfaahin sababta ay uga hareen halgankii hore ee xoraynta Gobolka Soomaali Galbeed.

Hadalsame Media