”Fiisikadu waxay qeexdaa xeerarka caalamka ma-noolaha ah, aqoonta noole-baradkuna waxay qeexdaa xeerarka caalamka noolaleyda” – Cashar cilmi ah

0

(Hadalsame) 24 Jan 2022 – Haddii aqoonta fiisikada ay tahay mid inoo-qeexda xeerarka caalamka ma-noolaha ah, aqoonta noole-baradkuna ay tahay mid iyana inoo-qeexda xeerarka caalamka noolaleyda, aqoonta gibil-baradku waxay inoo qeexeysaa walxaha labada caalam iyo dhalan-rogadkooda. Waxay markaas inoo-soo bandhigeysaa muuqaal qaabka ugu sareeya, iyada oo kaalin mug weyn ka qaadaneysa fahamka dhacdooyinka maaddiga ah. Isla-markaas nagu saacideysa awooddayada tabarta-yar sidii aanu ula tacaamuli lahayn walaxda, dabadeed u adeegsan lahayn una xakamayn lahayn.

Arimaha ay kiimikada ina barayso waxaa kamid ah quruxda ay walaxdu ugu dhalan-rogato xaaladaheedan saddexda ah. Arintaasi maahan is-beddel kiimiko ah, bal waa dhalan-rogad ku imanaya hab fiisiko ah. Maxaa-yeeley marka ay walaxdu is-rogeyso, hantideeda asaaska ah (curiyaha) kuma dhacayo wax is-beddel ah oo sidiisii ayuu ahaanayaa. Dhalan-rogadka xaaladda walaxda waxay ka imanaysaa iyada oo dibadda laga soo fara-geliyo walaxdii. Markaas ayaa waxaa dhacaya in walaxdii ay ama tamar ku kororto ama ay tamar ka dhinnaato. Waa halka ay Soomaalidu ka yiraahdaan: Meel qaylo ka yeedhey ama waxbaa ku dheeri ah ama waxbaa ka dhiman.

Waxaa kale oo dhalan-rogadka walaxda uu ka imanayaa in walaxdii ama la cadaadiyo oo la caburiyo ama la dhaqaajiyo oo ay xawaareyso. Waxaa jira arimo u sabab noqon-kara in xaaladda walaxdu ay u dhalan-rogato xaalad kale. Xaaladahaas oo toddoba ah waaxy kala yihiin:

1) Xaaladda Dhalaalidda (Melting State): Magacu wuxuu ka yimid walax adag oo inta la kululeeyo dhalaalaya. Waa habka ay walaxda uga guurto xaaladda adkaha una guurto xaaladda dareeraha. Taasi waxay dhalisaa in qaybaha adagi ay ku kordhaan xoogaa tamar ah (kuleyl) si curiyayaashii walaxda ay u bilaabaan kala fogaansho uu midba ka sikanayo midka kale, oo si degdeg ah ay u gariiraan. Walaxduna marka ay heerkaas gaadho waxaa u bilowda in ay gaadho barta dhalaalka (Melting Point).
2) Xaaladda Barafeynta (Freezing State): Magacu wuxuu ka yimid walax dareere ah oo la qaboojinayo. Waa habka ay walaxda uga guurto xaaladda dareeraha una guurto xaaladda adkaha. Taasi waxay dhacdaa goortii walaxdu ay lumiso qaar kamid ah tamarteedii. Waxaa markaas qun-yar socod noqonaya dhaqdhaqaaqa iniinihii dareeraha. Waxay markaas meel sugan kaga ekaadaan dhiska walaxda. Goortaas heer-kulku wuxuu gaarayaa barta u hooseysa oo ah barta barfeynta (Freezing Point).
4) Xaaladda Uumiga (Viporization State): Magacu wuxuu ka yimid walax dareere ah oo la kululeynayo. Waa habka ay walaxda uga guurto xaaladda dareeraha ah oo ay u guurto xaaladda hawada ah. Heer-kulka dareeraha markii uu kordho, salka uu kuleylka ka imanayo, dareeraha qaarkood waxaa ka abuurmaya xumbooyin uumi ah, kuwaas oo soo aadaya dusha sare illaa kuleylkii uu gaaro barta karkarka (Viporization Point). Heer-kulkaas siyaadada ah wuxuu dhalinayaa cadaadis ay iniinihii walaxda u dhalan-rogtaan hawo.
5) Xaaladda Isku-caburinta (Condensation State): Magacu wuxuu ka yimid walax leysku cadaadiyo. Waa habka walaxdu ay uga dhalan-rogato xaalad hawo ah una gudubto dareere. Waxay dhacdaa marka walaxda gaaska ah ay lumiso qayb heerkulka ah, kaas oo khasbaya in unugyadu ay isu soo dhawaadaan. Tusaale-dhig waxaa ah isbeddelka uumiga oo ku dhalan-rogto in uu biyo noqdo.
6) Xaaladda Naaneysta (Sublimation State): Magacu wuxuu ka yimid naaneys liidata oo lagu durayo walax meel sare ka yimid oo mar qura hoos u soo dhacaya. Waa habka walaxda ay uga dhalan-rogato xaaladda adkaha ah oo ay u wareegto xaaladda hawada ah. In walaxdu, iyada oo adke ah loo xawilo hawo waxay u baahan tahay in ay sii marto xaaladda dareeraha ah. Dhalan-rogadka noocan ah iyada oo loo marayo habka Naaneysta, waxay ku dhacdaa mabda´a deg-deg u-kordhinta heer-kulka walxaha (Flash Viporization). Xawaaraha karkarka uu ku dhacayo wuxuu ka deg-deg badan yahay xawaaraha uu qaacu ku abuurmayo.

7) Xaalada Is dul-saarka (Deposition State): Magacu wuxuu ka yimid walax xaalad hoose ka kacaya oo dusha u baxaya. Waa habka ay walaxdu ka guurto xaaladda hawada ah, iyada oo si toos ah ugu dhalan-roganeyso xaaladda adkaha ah. Waxaa halkaas ka baxaya xaaladda dareeraha ah oo walaxdu ay sii mari lahayd marka ay u kala gudbeyso labada xaaladood. Tusaale-dhig, iyada oo hawadu ay aad u qabowdahay marka qaacu uu ka soo baxo meel aad u kulul, waxay markiiba noqonayaan geyro (Frost) oo ka kooban baraf yar-yar. Geyradaas waxay ka muuqataa caleemaha dhirta dushooda.

( كَذَٰلِكِ اللَّهُ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ)

Suuradda Aala-Cimraan, aayadda 47-aad

Qore: Dr. Saadiq Enow

Saadiq.enow@gmail.com

Hadalsame Media