”Ajnabigu ha iskaga boxo Imaaraadka!” – Kooxaha Xuutiyiinta oo digniin culus soo saaray (Arag qoraalkooda)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Xuutiyiinta Yemen ayaa ugu baaqay shirkadaha ajnabiga ah inay isaga baxaan Imaaraadka Carabta, kaddib markii xulafada uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira ay Jimcihii weerareen xabsi ku yaalla woqooyiga Yaman, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 100 qof, halka weerar labaadna uu ku xirmay internetkii waddankaas.

Isbaheysiga militariga oo taageeraya dowladda Yaman ee caalamku aqoonsan yahay, ayaa xoojiyey duqeymaha ka dhanka ah waxa ay ku sheegeen bartilmaameedyada militariga Xuuthiyiinta, kaddib markii kooxda xulafada la ah Iiraan ay weerar cirka ah oo aan horay loo arag ay ku qaadeen Imaaraadka Isniintii.

Sidoo kale waxay qaadeen weerarro gantaallo ah oo xudduudaha isaga gudba iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ku weerareen dhanka magaalooyinka Sucuudiga. Imaaraadka ayaa isna wuxuu taageeraa ciidamada la dagaallamaya Xuutiyiinta.

Yeelkeede, tweet ay Jimcihii soo qoreen ayuu Afhayeenka Xuutiga, Jeneraal Yahya Saree ku yiri sidatan:

”Xasuuqii ay ku keceen kaddib…ee maanta loo geystay dadkeena qaaliga ah waxaan kula talineynaa shirkadaha ajnabiga ah ee Imaaraatka Carabta in ay isaga baxaan, maadaama ay maalgashi ku sameynayaan xaalad amni darro ah inta madaxda dowladdan ay sii wadaan weerarka ay ku hayaan dalkeena.”

Hadalsame Media