”Orodoo Buuhoodle ka keen 10 qof oo Ingiriiska u mahadnaqa!!” – Khadar Xuseen oo weeraray Saleebaan Koorre & dood ka timid hadalkaas

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Siyaasiga Khadar Xuseen Cabdi oo ka mid ah madaxda sare ee Xisbiga Waddani oo uu u yahay Xoghaye Guud, ayaa isku dayey inuu u garqaado Saleebaan Koorre oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Barkhad Batuun oo ka mid ah Aqalka Wakiillada.

Labadan nin ayaa shalaytoole isku yara qardoofay dibedbax lagu qabtay Fagaaraha Khayriyadda oo lagu soo dhoweeynayey dood beri dhowayd ka dhacday Aqalka Hoose ee Baarlamanka UK ee House of Commons, kaasoo ay ka hadlayeen dhowr xildhibaan oo xiriir la leh Somaliland.

”Ninkii aan is yeelyeelahayni wuu ogyahay in xil Barkhad Batuun uu Somaliland wanaag iyo horumar la doonaayo. Mudahraadka taageerada xildhibaanada ingriiska isagaa ka soo bilaabay gurigii uu ku dhashay iyo xaafada Daami,” ayuu Khadar warkiisa ku furay.

”Saleeban Ali Koorre marka uu rabo inuu aamusiiyo ma waxaanu fahmin ninkan aan u mahadnaqayno ee Ingriis wuxuu inagu amaanay doorashooyinka iyo xoriyada hadalka miyaanay is diido ahayn marka isla goobtii Koorre uu Xildhbaan ka ugu codka badan golaha wakiilada uu rabo inuu aamusiiyo.

”Waxaan leeyahay Saleebaan haddaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof oo u mahadnaqa nimankaa Ingriis ee inoo hiiliyay Buuhoodle ka dhex hadashii hadii kale Xildhban Barkhad ha la murmin.” ayuu raaciyey.

Yeelkeede, dadkii ka af-celiyey qoraalka Khadar ayaa ay qaarkood ku doodayeen in warkani wax kala qaybinayo, halka qaar kale ay taageersanaayeen sida uu u garqaaday, waloow ay dhanka kale Batuun isku xisbi yihiin Khadar laftiisa.

Hadalsame Media