Siyaasi ka hadlay arrin Soomaalida dhibaato wayn ku haysa balse uu yar yahay siyaasi soo hadal qaada

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa cabasho ka muujiyey sicirka cirka ku shareeran ee korontada looga iibiyo Somalia, taasoo ka mid ah kuwa ugu qaalisan caalamka tiiyoo awoodda iibsiga ee Somalia ay tahay kuwa ugu hooseeya dunida maadaama ay dadku badiyaa xitaa ka hooseeyaan xarriiqa faqriga.

”Qiimaha Korontada ee Soomaaliya waa caqabadda ugu wayn ee hortaagan horumarka dhaqaalaha dalka. Waxay ka mid tahay kuwa ugu sarreeya adduunka, waxayna u dhexeeysaa $ 0.40 ilaa $ 1 KW-kii,” ayuu Cali Xaaji warkiisa ku bilaabay.

”Halka ku dhowaad ​​kala bar dadku ay ku nool yihiin meel ka hoosaysa xarriiqa faqriga, waa wax aan la malayn karin in dadwaynaha lagu culaysiyo biilkan.” ayuu raaciyey.

Shirkadaha korontada iyo biyaha bixiya ayaa waxaa haatan 100% iska leh ganacsato gaar ah oo faa’iidadooda oo qura eegta, taasoo ka mid ah asbaabaha uu sicirku u sarakacay.

Yeelkeede, Cali Xaaji ayaa soo jeediyey in DF iyo Maamullada uu waajib ka saaran yahay inay nidaamiyaan islamarkaana kormeeraan suuqa tamarta dalka, isagoo sheegay in uusan dhibaato u arkin in korontada ay maamulaan shirkado gaar loo leeyahay, balse loo baahan yahay in lala socdo.

Siyaasadda Somalia ayaan inta badan sooba hadal qaadin wax ku saabsan adeegyada bulshada oo ah waxa ugu muhiimsan ee ay ahayd in wax laga qabto, iyadoo inta badan diiradda la saaro kursiga iyo doorashada, waxaana haatan isku dheggan mid aan wax adeeg ah oo micne leh samaynin iyo mid aan samayn doonin.

Hadalsame Media