”Maxaa doorasho loogu qabanayaa xero ciidan?!” – Dhaliil loo jeediyey doorashada Garoowe

0

(Hadalsame) 23 Jan 2022 – RW hore ee DF Somalia, Cumar Cabdirashiid, ayaa weerar ku qaaday qaabka iyo halka lagu qabtay qayb ka tirsan doorashada Aqalka Hoose oo lagu qabtay Puntland.

”Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta (ay la kulmayaan) FEAT haddii ay si cad u wajahaan sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda,” ayuu ku bilaabay eeddiisa.

Sharma’arke ayaa sidoo kale muujiyey inaysan ahayn in la iska aqbalo khaladaadka muuqda ee dilaya habsami-socodka doorashada Baarlamanka DF Somalia oo horay dhowr mar loogu dooday.

”Wax kasta oo la kariyey miyaynu si nacasnimo ah u aqblinnaa. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga naxdin badan waxa aan ka baqaynay.” ayuu raaciyey.

Ilo ku dhow dhow doorashadan ka dhacday magaalada Garoowe oo ah tii ugu horreysay xubnaha Puntland ee Golaha Shacabka ama Aqalka Hoose ee Baarlamanka DF ayaa la sheegay in dadka lagu xulanayaa ay yihiin qaar u dhow Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), taasoo ka hor imanaysa daah-furnaanta doorashada.

Hadalsame Media