”Itoobiya nabad noqon mayso inta laga tirtirayo TPLF” – Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Itoobiya

0

(Addis Ababa) 23 Jan 2022 – Millateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigraay ee Maqalla ayna “ka takhalusaan” xoogagga fallaagada ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga goor dambe oo Jimcadii shalay ahayd, xilli ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu soo afjarayo colaadda woqooyiga dalkaas.

Dalkan Geeska Afrika waxaa ka socda dagaallo muddo ka badan hal sano jiitamayey, iyadoo Ciidamada Federaalka iyo xulafadooda ay la dagaallamayaan ciidamada daacadda u ah Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ahaa xisbi siyaasadeed oo ka taliya Tigraay.

Toddobaadkan laba dublamaasi oo sare ayaa u duulay Addis Ababa si ay u riixaan xabbad-joojin halkaa ka hana qaadda, iyagoo isku dayaya in ay dhisaan calaamado muujinaya in uu hagaagayo xiriirka ka dhexeeya dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jirto sii deynta maxaabiista siyaasadeed.

Yeelkeede, Taliye Xigeenka Ciidamada Difaaca Itoobiya, Jeneraal Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dowlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ilaa kooxda TPLF ay meesha ka saarayso.

“Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto xoog naga celinaya in aan galno, waan galeynaa, cadawgana waanu ka saaraynaa, waa in aan taa laguba jahawareerin.” Ayuu yiri tadesse.

“Shacabka Itoobiya yaanay moodin inay dhammaatay, weli ma dhammaan, sababta ugu wayn ee aannu hakadka ugu jirnaa waa in aan is diyaarinaynno, cadawgiina weli wuu jiraa, waana in gebi ahaanba meesha laga saaro oo la tirtiro. Wax wada xaajood ah lama geli doonno iyaga.” ayuu ballanqaaday.

Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda, ayaan arrintan wax war ah weli kasoo saarin.

Hadalsame Media