Xulka Somalia oo ay dhici karto inuu dhibcaha qaab forfeit ah u siiyo Xulka eSwatini (Ogow sababta)

0

(Hadalsame) 22 Jan 2022 – Waxaa shalaytoole la sameeyey isku aadka isreebreeb-horaadka Koobka Qaramada Afrika ee AFCON oo sanadka soo aaddan lagu qaban doono dalka Cote D’Ivoire 2023 waxaana lagu sameeyey magaalada reer Cameroon ee Douala.

12 dal oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya qaaradda dhanka qiimaynta ayaa qoorta la isu geliyey iyadoo ay 6-dii kasoo baxda kulamadan oo laba lugood ihi ay usoo gudbayaan wareegga guruubyada caadiga ah ee isreebreebka AFCON.

Xulkeenna Somalia ayaa kulan laba lugood ah ku aadey dalka eSwatini ee dhaca koonfurta Afrika, halka Djibouti ay la ciyaarayso South Sudan, iyadoo ay Djibouti sidoo kale hoy KMG ah u tahay Xulka Somalia oo aan dalkiisa ku ciyaari karin ammaan xumo darteed.

Waxaa kulamadan labadooda lugood la kala ciyaari doonaa 21 iyo 29-ka Maarso, 2022, balse xogaha aannu Muqdisho ka heleeyno ayaan ahayn kuwo farxad badan, waxaana xitaa dhici karta in Xulka Somalia uu forfeit ku dhiibo dhibcaha.

Sababtu waxay tahay saamayn xun oo ay ku yeelan karto Xiriirka Kubadda Cagta oo haatan laba garab u kala jaban, iyadoo awalba aanu Xulka Somalia heli jirin daryeelka, agaasinka iyo waxqabadka uu u baahan yahay, ayaa haatan wajahaya khilaaf culus oo keenay in FIFA loo kala diro farriimo isku eedaynaya musuq baahsan iyo maamul xumo ba’an.

Kulankii ugu dambeeyey ee Xulka Somalia wuxuu ahaa isbreebreeb-horaadkii 22-kii Juun 2021 ee ay Somalia ku wajahdey Cumaan oo 118 boos naga sarreeya Tartanka Arab FIFA ay Xulka Somalia, kaddibna wax ciyaar ama tababar ah la iskuguma imanin.

Isku aadka oo buuxa waa Seychelles Lesotho Somalia eSwatini, Chad Gambia, Eritrea Botswana, Sao Tome Mauritius, Djibouti South Sudan.

Hadalsame Media

Facebook Comments