Taariikh dhexmartay laba dal oo Somalia saaxiib la ah oo tusaale wayn u noqon karta hoggaan kasta

0

(Hadalsame) 22 Jan 2022 – Suudaan oo xaalad dhaqaale xumo ku jirto ayaa lacag dayn ah ka qaadatay Liibiya. Bilo kaddib ayaa Madaxweyne Mucamar Qadaafi, Suudaan ka dalbaday in diyaaradahiisa dagaalku dul maraan, si ay ugu gurmadaan Uganda oo ay xuduud isku hayeen Tanzaaniya.

Yeelkeede, Jacfar Al Namayri (Madaxwaynihii Suudaan) ayaa arrintaas ku gacan saydhay isaga oo ku sababeeyay in siyaasadda dalkiisu ayna ahayn fara-galinta dalalka dariska ah.

Qadaafi oo aad uga carooday go’aankaas, qaadana la’ ayaa Suudaan ka dalbaday inay dhaqso kusoo celiso dayntii.

Madaxweyne Jacfar Numayri TV-ga dalkiisa ayuu shacabkiisa kala hadlay, waxuuna ka codsaday in qof walbaa hal shilin ku yabooho, si dalka karaamadiisa loo ilaaliyo, maalmo gudahood ayaana lacagtii lagu uruuriyay, Liibiyana loogu celiyay.

Qaadhaankaa waxaa halhays looga dhigay; Shilinkii Sharafta (#قرش_الكرامة).

Madaxwaynahii hore ee dalka Suudaan Numayri wuu heli karay inuu canshuurta iyo sicirka kordhiyo, waxuusa ka door biday inuu si daacad ah shacabkiisa ula wadaago xaaladda dhabta ah ee dalku dhaqaale ahaan marayo.

Haatan, Somalia waxay u baahan tahay madax wadaniyaddooda heer kaas gaar siisan tahay Oo runta u sheegi kara shacabkooda, qaranimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed halla ilaaliyo.

Xigasho: الدكتور / وائل بركات

Turjume: Maxamed A. Xasan

Hadalsame Media