Warbixin ku saabsan kulanka Somalia vs eSwatini & sababta loo geliyey isreebreeb-horaadka (Goorta la dheelayo?)

0

(Hadalsame) 21 Jan 2022 – Waxaa la sameeyey isku aadka isreebreeb-horaadka Koobka Qaramada Afrika ee AFCON oo sanadka soo aaddan lagu qaban doono dalka Cote D’Ivoire 2023 waxaana lagu sameeyey magaalada reer Cameroon ee Douala.

12 dal oo ka mid ah kuwa ugu hooseeya qaaradda dhanka qiimaynta ayaa qoorta la isu geliyey iyadoo ay 6-dii kasoo baxda kulamadan oo laba lugood ihi ay usoo gudbayaan wareegga guruubyada caadiga ah ee isreebreebka AFCON.

Xulka haatan wacdaradaha ka dhigaya AFCON ee Gambia ayaa lagu aaddiyey Chad halka Sao Tome iyo wajahayso Mauritius. Djibouti ayaa la ciyaaraysa South Sudan iyadoo Lesotho lagu beegay Seychelles.

Dalkeenna Somalia ayaa lagu aaddiyey xulka Boqortooyada eSwatini ama ex Swaziland, waxaana kulamadan labadooda lugood la kala ciyaari doonaa 21 iyo 29-ka Maarso, 2022.

Sidoo kale kulamada kala baxa ah ee Afrika ee Koobka Adduunka 2022 lagu qabanayo Qadar ayaa berri oo Sabti ah dhacaya.

Isku aadka oo buuxa waa Seychelles v Lesotho Somalia v eSwatini, Chad v Gambia, Eritrea v Botswana, Sao Tome v Mauritius, Djibouti v South Sudan.

Hadalsame Media