Malliishiyaad la dirirsan Daalibaanka oo soo bandhigay gantaalaha la hago ee lidka taangiyada + Sawirro

0

(Kapul) 22 Jan 2022 – Shan bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii Taliban ay la wareegeen hoggaanka Afgaanistaan, laakiin malliishiyaad la baxay ”Ciidanka Qaranka ee Iska Caabinta” (NRF) ayaa weli la dagaallamaya.

NRF ayaa haatan soo saartay fariin muuqaal ah, taasoo lagu faafiyey baraha bulshada, iyagoo dadka Afgaanistaan ​​ku boorrinaya inaysan aamusin, iyadoo malliishiyaadkan oo u badan qoomiyadda Tajiiggu ay horay u wadan jireen magacii Northern Alliance iyagoo u badan dhanka Dooxada Banjshir oo ay Taliban horay u sheegeen inay qabsadeen.

Farriin maqal ah oo gaar ah, hoggaamiyaha NRF, Ahmad Massoud, ayaa wuxuu ku sheegay in halgankoodu aanu ahayn qoomiyad gaar ah, ama juquraafi, balse uu yahay mid ay ku doonayaan madaxbannaani dhammaystiran oo Afgaanistaan hesho, sida uu yiri.

Sawirada qaar ee lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in dagaalyahanada NRF ay hadda heystaan ​​gantaallada lidka taangiyada (ATGM) kuwaas oo lagu burburin karo tiknikada iyo gawaarida gaashaaman.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladani yihiin kuwa la hago hago ee daba gala bartilmaameedka ilaa inta ay ku dhacayaan.

Lama carrabaabin dalka ay ka heleen, waloow ay xiriir dhow la leeyihiin dalka Tajikistan.

Hadalsame Media