Dal ku dhawaaqay in la xiri doono oo ay xabsi mudan doonaan dadka XANTA badan!!

0

(Hadalsame) 21 Jan 2022 – Maamulka Sacuudiga ayaa ka digay in qof kasta oo ku faafiya warar aan sal iyo raad lahayn baraha bulshada in uu muteysan karo xabsi shan sano ah iyo ganaax culus.

Arrintan ayaa timid ka dib markii bandhig faneed ka dhici lahaa magaalada Riyaad ay laga baahiyey warar online oo sheegaya in dumar da’yar la faraxumeeyay xilli ay isku dayayeen in ay guryahooda u soo laabtaan.

Qaar ka mid ah haweenkan ayaa BBC-da u sheegay cabsida ay ka qabaan in la soo bandhigo oo la baahiyaa tahay dhibta ugu weyn.

Madaxa madadaalada Sacuudiga ayaa u muuqday mid ku jeesjeesayay sheegashooyinkooda dhowr qoraal oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Arrintan ayaa ah iskahorimaadka dhaqameed iyo bulsheed ee ka dhashay furitaankii Sacuudi Carabiya, halkan oo dadkeedu ahaayeen bulsho qallafsan oo asal raac ah, laakiin se hadda martigelisa munaasabado iyo madadaalooyin badan oo aan hore laga aqoon deegaamadan.

Riwaayaddan oo aad loo wada sugayey, oo ay kooxdii waddey ay ciwaan uga dhigeen kooxda K-Pop ee Stray Kids, fiidnimadii 14-kii Jannaayo ayaa la joojiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay kaddib markii ay dhaceen dabaylo badan.

Taageerayaasha oo niyad jabsan ayaa ku dhibtooday in ay ka soo ambabaxaan goobtii lagu dhigayey oo ku taal duleedka caasimadda Sacuudiga.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka billowday warar sheegaya in gabdho la waayay, sidoo kalena dadka qaar ayaa ka digayey xadgudubyo dhanka galmada ah. Waxaana guud ahaa baraha bulshada ka muuqday ugu yaraan, waxaa u muuqday argagax. Hashtags-ka oo hab lagu muujiyo waxa maalinta ugu hadalhaynta badan ayaa batay, iyaga oo kor u qaaday dareenka khatarta.

Xaqiiqadu se wali ma cadda.

Dad badan oo sheegay in ay halkaas ku sugnaayeen ayaa sheegay in aysan dhicin falalkan la sheegayaa, isla markaana qabanqaabiyeyaasha ay si wanaagsan hawsha u debberen xilli ay ku xeernaayeen duruufo adag.

Tuhunka wararka been abuurka ah waxaa si kordhiyey sawirrada rag la iska soo xushay, kuwaas oo u badnaa dad caan ah oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwa hablaha dhibaataynaya.

Madaxa Hay’adda Madadaalada ee Sacuudiga, Turki al-Sheikh, ayaa intaa ka dib soo dhigay dhowr qoraal oo Twitter-ka ah oo u muuqday kuwo lagu jeesjeesay warbixinnada dhibaateynta oo gebi ahaanba ahaa kuwo been abuur ah

Waxaana dhanka kale bilaabmay sawirro lagu difaacaya sharafka hablaha sucuudiga iyo guud ahaanba dalka oo lagu tilmaamayo in dad gaar isku deyeyaan in ay ceebeeyaan.

Hasa ahaate dhowr dumar ah oo BBC-da horay ugala hadlay walaaca ay ka qabaan dhibaateynta haweenka ee xafladaha noocan oo kale ah ayaa ayaa ku adkeysanaya in wararka qaar ay run yihiin.

Waxay qireen in tani ay adag tahay in la caddeeyo – maadaama aysan u muuqan muuqaal ama sawiro lagu taageerayo sheegashada dawladda.

Arintan ayaa ah mid sanad walba ka dhacda Sucuudiga halkaas oo qofkasta oo wax ku soo qora baraha bulshada, gaar ahaan waxyaabahan oo kale uu naftiisa khatar galin karo – haweenka la hadlay BBC-da waxay qariyaan aqoonsigooda waxayna adeegsadaan aaladaha codka bedelaa marka ay kasoo muuqdaan fagaarayaasha bulshada sida Spaceska lagu kala warqaato ee ka dhaca barta Twitterka.

Qabanqaabiyaasha xaflada ayaa soo saaray xeerar ay ku qoran yihiin in aan loo dulqaadan karin wax kasta oo dhibaato ah.

Xoojinta dareenka ah in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay dhab ahaantii uga falcelin doonaan si adag hawlaha noocan oo kale ah ayaa ahayd kiiskii ugu dambeeyay ee nin lagu helay xadgudub galmo. Magaciisa ayaa lagu daabacay warbaahinta maxaliga ah – markii ugu horeysay ee tani ka dhacdo dalkaas ayayna ahayd.

Taageerayaasha mashruuca hamiga leh ee dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ee ah in Boqortooyada loo furo adduunka ayaa sheegaya in kuwani ay yihiin dhibaatooyin ka hor imanaya halkii dalkani uu higsanayey.

Laakiin haweenka qaar ayaa ka dhawaajiyay inay ka walaacsan yihiin waxa ay rumeysan yihiin in ay dhaceen 14kii Jannaayo, sida oo kalena ay ka cabsi qabaan sida dawladu isugu deyeyso in ay cabudhiso dadka sheegaya wax ka duwan waxa ay iyagu og yihiin.

Isha: BBC

Hadalsame Media