Goorta uu Benacer kusoo noqonayo AC Milan oo la sheegay (Karaantiil miyuu gelayaa?)

0

(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Laacibka reer Aljeeriya ee khadka dhexe ee Ismaaciil Bin Naasir ayaa xulkiisa laga soo saaray Tartanka AFCON oo ay iyagu haysteen.

Maadaama ay Aljeeriya oo ay Ivory Coast 3-1 laqsiisay ay soo hartay, Ismael Bennacer ayaa la caddeeyey xilliga uu dib ugu soo laabanayo Talyaanigaa oo durba ah saacadaha yar ee soo aaddan.

Macallin Stefano Pioli ayaa la sheegayaa inuu ku tala jiro inuu laacibku xitaa safto kulanka Axadda San Siro ku dhexmaraya AC Milan iyo Juventus.

Waxaa la sheegay in laacibka si aad ah loo baari doono balse aanu u baahan doonin in la karaantiolo sidaa darteed uu horay tababarka ka geli doono.

AC Milan ayaa dhibaato dhex la’aan ihi haysatey iyadoo laga dareemayey kulankii ugu dambeeyey ee Spezia oo ay ka wada maqnaayeen Franck Kessie oo ay Xulkiisa Ivory Coast ay Benacer soo reebeen iyo Tonali oo jaallayaal ku maqnaa.

Hadalsame Media