“Ninyahow naag timo qurux badan oo laab cad jirkeeduna nimcatul fushuuq yahay baad qabtaa!” – Ayuu ku yiri Geelle (Sheeko micne wayn xambaarsan)

0

(Hadalsame) 21 Jan 2022 – “Ninyahow naag timo qurux badan oo laab cad, jirkeeduna nimcatul fushuuq yahay baad qabtaa, igu walee wax nool gacantaad ku heesaaye ku fara adeeg” ayuu ku yiri Geelle, Warsame oo ay wada qayilayeen!

Warsame oo hadalkii si aad ah uga xanaaqay ayaa feer iyo bakoorad la dhacay Geelle. Raggii waa la kala celiyey habeenkii balse belo waxay dhacay markuu Warsame gurigiisii inta uu tegay xaaskiisii si xun u garaacay kaddibna uu saddex dalaaq ku furay uuna ku yiri “Naa maxaa jirkaaga tusay Warsame sidee buu ku arkay jirkaaga oo uu ku bartay in aad laab caddahay?”

Iyadoo barooraneysa ayay tiri ” Warsame, soo habeenkii arooskeenna ma joogin oo saa taaj ma xirneyn oo laabtaydu ma muuqan iyo jirkayga kaleba”

Kuma qancine sidii baa lagu kala tegay. Haddaba, haddii aadan dooneyn in xaaskaaga jirkeeda laga sheekeeyo, marka horeba asturo.

F.G: Sheekadani waa mala-awaal aan sameeyey cid in ay ku dhacdayna waa dhici kartaa, haddii aad iska dhex arragto adiga kuu la ma jeedo walaale.

Xigasho: Safiya H Maxamed

Hadalsame Media