Xulka Somalia oo wacdaro lama filaan ah muujiyey & sida ay u gabeen Xiriirka & Xukuumadda Somalia (Daawo)

0

(Hadalsame) 18 Jan 2022 – Xiriirka Kubadda Cagta Somalia ayaa aad loogu dhaliilaa musuq iyo maamul xumo, taasoo xitaa keentay inuu xiriirku beri dhowayd 2 garab u kala jabo, iyadoo aysan jirin wax daah-furnaan maamul, mid maaliyadeed, mid sharci iyo mid farsamo oo micne leh.

Taya xumada Xiriirka Somalia ayaa dhibka ugu wayn ku haysa horumarkii ay samayn lahayd ciyaarta ay Soomaalidu ugu jeceshahay ee kubadda cagta, sidaa darteed, waxaa halkaa kusii dhimanaya xitaa Horyaalka Somalia oo abid Muqdisho uun lagu qabanayey welina aan gobollada laga qaybgelin.

Waxaa sidoo kale ay naftu kasii baxaysaa Xulka Qaranka Somalia oo marar badan muujiyey inuu la tartami kari lahaa aynigii Afrika iyo dunida haddii nidaam iyo joogtayni ay jiri lahayd.

Tusaale, bishii Abriil 2018-kii waxay Junyarka Somalia gaareen final-ka Koobka Bariga & Bartamaha Afrika oo ay Tanzania ka qaadday. Sanad kaddib bishii Sebtembar 2019-kii waxaa fara cija leh uga baxsaday Xulka Zimbabe oo 3-2 ugu soo baxay wareegga xiga ee isreebreebka KA22.

Halka kulankii isbreebreeb-horaadka ahaa ee 22-kii Juun 2021 ay Somalia ku wajahdey Cumaan oo 118 boos naga sarreeya Tartanka Arab FIFA ay Xulka Somalia.

Xulka Somalia ayaa mararka qaar ciyaarta ka soominayey Xulka Cumaan taasoo ah sawir aan inta badan lasii saadaalin, balse marka laga soo tago in xitaa ay ceebi ka dhacday in tikit loo helo laacibiintii metelaysey Xulka Somalia taasoo lagu wada ceeboobey min Xiriir ilaa DF Somalia, misna maalintaas ayaa u dambaysey xul isu yimaada.

Ma jiraan wax ciyaaro saaxiibtinnimo ah, wax tababarro dheeraad ah, wax xarayn ah, wax macallin ah oo joogto ah, iyadoo midkii ay wateen kulankii Cumaan uu ahaa mid fayoobidiisa iyo khibraddiisaba la duray oo laga soo kexeeyey xaafadaha isku raranta ah ee Belgium.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media