Arrin soo korodhay todobaadyadii ugu dambeeyey oo u sabab ah weerarka Xuutiga ee Imaaraadka (Waa maxay?)

0

(Abuu Dabeey) 18 Jan 2022 – Fallaagada reer Yaman ee Xuutiga loo yaqaan ayaa la sheegayaa inay weerar ku qaadeen bartilmaameed ku yaalla caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Abuu Dabeey.

Waxaa halkaa ku qarxey dhowr booyadood oo ah kuwa saliidda daabula waloow bilowgii maraakiib la sheegay, iyadoo ay ku dhinteen dad halkaa ku sugnaa oo iskugu jira Pakistani iyo Hindi, sida ay sheegtay Wakaaladda WAM.

Kooxda reer Yaman ee Xuutiga loo yaqaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo lagu qaaday aagga wershadaha Musaffah oo u dhow kaydka shidaalka ay dowladdu leedahay Abu Dhabi National Oil Company (ADNOC).

Maxay tahay sababta weerarku? Dalka Imaaraadka ayaa qayb ka ahaa xulufo Carbeed oo weerar ku qaadday dalka Yaman 2015-kii si ay halkaa xoog ugu geeyaan dowladdii la aqoonsanaa ee  Abd Rabbuh Mansour Hadi, oo ay 2014-kii cayriyeen Xuutiyiintu.

Yeelkeede, Imaaraadka ayaa tan iyo 2019-kii yareeyey ku lug lahaanshihii tooska ahaa ee Yaman, waloow ay jirto inay saamayn xooggan ku leeyihiin fallaago ka dhisan koonfurta Yaman oo lid ku ah Xuutiga.

Dagaalka Yaman ayaa sidoo kale tan iyo 25-kii Diseembar xoogaystey iyadoo ay xulufada Sucuudigu ay “weerar ballaaran” ku qaadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca halkaasoo kuwii ugu dambeeyey ay ku baaba’een 20 qofood oo ay ku jiraan qoys ay dad badani ka dhinteen sida ay Xuutigu sheegeen, kaddib markii ay 2 qof oo Sucuudi ihi ku dhinteen weerarro ay Xuutigu ku qaadeen Sucuudiga, taasoo ah dhimasho noocan ah tii ugu horreeysey muddo 3 sano ah, iyadoo uu Afhayeenka Xuutiga ee Yaxya Saree uu ballanqaaday ”aarsi xanuun badan.”

Todobaadyadii ugu dambeeyey, ciidamada Dowladda Yaman taageera ayaa gaarey guushii ugu waynayd kaddib markii muddo 7 sano ah kaddib Xuutiga ka saareen gobplka koonfur bari ee saliidda hodonka ku ah ee Shabwah, iyagoo usii ruqaansanaya dhanka woqooyi ee Ma’rib oo ay Xuutigu xukumaan.

Waxaa haddaba ciidamada guulahaa horseeday ee Giants Brigades, taageera Dowladda Imaaraadka Carabta, waana halka uu salka ku hayo weerarka Xuutigu.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media