Baarlamanka UK oo maanta ka doodaya aqoonsiga Somaliland, ninka riixaya & moowqifka Xukuumadda UK

0

(London) 18 Jan 2022 – Baarlamaanka dalka Britain gaar ahaan Aqalka Hoose ee House of Commons ayaa maanta ka dooddaya aqoonsiga ay Soomaliland, oo sheegta inay ka go’day Somalia, ku doonayso inay ka hesho Boqortooyada UK.

Gavin Alexander Williamson oo ah 45-jir reer Scarboroug ah waa mudane ka tirsan baarlamanka UK waana qofka riixaya mooshinkan la horgeeyey Aqalka Hoose si looga doodo aqoonsiga Soomaliland, wuxuuna Gavin Williamson oo ka mid ah rag u ololeeya Somaliland uu horay u booqday Soomaliland isagoo xilligaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada UK.

Yeelkeede, sida waddamada kaleba Britain ma aqoonsana gooni isu taagga Somaliland, Vicky Ford, oo ah Wasiirka UK u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa bishii Nofeembar 2021 waxa ay sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo qura marka ay aqoonsadaan waddamada Afrika gaar ahaan Midowga Afrika oo ay iyaguna diyaar u yihiin markaas.

Soomaliland, ayaa 30 sanadood raadinaysa aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay sheegtay inay ka goosatay Somalia, sanadkii 1991-kii xilli uu dalku ku jirey dagaallo sokeeye.

Hadalsame Media