BBC oo ay godkeeda biyo ugu soo galeen & lacag laga goostay (Natiijada ka dhalan karta)

0

(London) 18 Jan 2022 – Dowladda UK ayaa sheegtay inay 2 sano hakinayso khidmadda lagu bixiyo laysinka BBC taasoo aad loogu dhaliilay laguna tilmaamay mid lagu badbaadinayo shaqada RW Johnson.

BBC, oo 18-ka Oktoobar xusaysa sanad-guuradeedii 100-aad, ayaa weerarro culus kala kulmaysa kooxaha muxaafidka ah oo ku dhegganaa tan iyo aftidii Brexit ee 2016-kii, iyagoo ku eedeeya inay riixayso ajende liberaal ah oo London ku salaysan, waloow ay sidoo kale qolyaha bidixda laftoodu BBC-da oo cahdi boqortooyo lagu dhisay saluugaan.

Wasiirka Dhaqanka UK, Nadine Dorries, oo ah haweenay u daacad ah Boris Johnson oo Twitter ku dusisey xogta joojinta khidmadda ayaa lagu dhaliilay inay ka aargudanayso BBC oo ah hay’ad ay UK ku faanto caalamiyan, sida la yiri.

Dorries ayaa horay BBC ugu eedaysay waxa loo yaqaan “tokenism” oo af Soomaali ku noqonaysa qawda maqashii waxna haw qaban loo muujiyo dadka laga tirada badan yahay iyo sinnaanta.

Khidmadda laysinka ayaa lagu maalgeliyaa Telifishanka, idaacadda iyo barnaanijyada online-ka ah, kuwaasoo badankooda dibedda loo baahiyo, iyadoo lasii daayo min warar, bandhigyo ilaa dokumenteriyo ay ku jiraan kuwa duur-joogta iyo badaha guntooda heehaabaya.

Ku dhowaad £3.7 bilyan oo gini ayay BBC khidmadda laysinka ku heshay 2019-kii oo qura, taasoo ka dhignayd 4 meelood oo 3 meel dakhligeeda oo sanadkaa ahaa £4.9 bilyan oo gini.

Guddoomiyaha & Agaasimaha Guud ee BBC, Richard Sharp iyo Tim Davie ayaa sheegay in hakintan 2-da sano ihi ay keenayso inay qaadaan tillaabooyin “gunti isku giijis ah iyo dookhyo dhib badan” oo ay ku dhimayaan shaqaalaha iyo adeegyada ay bixiyaan, tiiyoo ay xuseen in awalba uu 30% dakhligoodu hoos uga dhacay halkii uu joogey 10 sanadood kahor.

Hadalsame Media