Soomaali isku hor ceebaysay Danjiraha cusub ee Sucuudigu usoo diray Somalia + Sawirro

0

(Muqdisho) 18 Jan 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DF Somalia, Cabdi Saciid Muuse Cali, ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomey Danjiraha cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Almowallad.

”Danjiraha cusub ee Dowladda Sucuudiga Mudane Axmed Bin Maxamed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda la wadaagay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood iyo Labada shacab ee saaxiibbada ah, isaga oo ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.

”Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii ay Soomaaliya iyo Sucuudigu u xoojin lahaayeen xiriirkooda soojireenka ah iyo iskaashiga Labad Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, arrimaha bulshada iyo siyaasadda.” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay degellada WAD Somalia.

Yeelkeede, midda ugu darani waa sida liidata ee ay Soomaalidii ra’yiga dhiibanaysey ay uga fal-celiyeen sinjiga Danjiraha cusub ee Sucuudiga oo ay kula kacayeen cunsuriyad ka dhan ah midabkiisa madow, tiiyoo ay jirto inay Somalia tahay dal madow ah.

Dadka qaarkood ayaa xitaa u gefayey degmooyin iyo meelo ka tirsan isla dalka Somalia, taasoo muujinaysa sida uu u liito wacyiga dad badan oo Soomaali ah oo u baahan baraarujin aad u badan iyo tacliin toos ah, iyadoo ay yaab leedahay haddii uu aqriyo waxa ay ku hadlayaan Soomaalidu.

Hadalsame Media