Kulankii Milan vs Spezia oo la dalbanayo in lagu celiyo (Arrin tan oo kale oo horay u dhacday)

0

(Milano) 18 Jan 2022 – Codacons (Iskuxirka ururada difaaca deegaanka iyo xuquuqda isticmaalayaasha iyo macaamiisha) ayaa ku dhawaaqay inay soo bandhigi doonto kiis xiriirka FIGC ka codsanaya ku celcelinta kulankii Milan-Spezia oo uu wax ka bedeley khalad uu sameeyay garsoore Marco Serra.

Madaxweynaha Codacons, Marco Donzelli, ayaa yiri erayada soo socota:

“Shaki la’aan waa khalad farsamo oo xamaasad leh, oo ay hubaal tahay inuu si ka daacad ah u galay garsoore Serra, waxaana sidoo kale caddaynaya falcelinta uu garoonka dhexdiisa garsooruhu isla markiiba raaligelinta ku siiyay ciyaartoyda Rossoneri.”

Sida laga soo xigtay Codacons, waxaa suurtogal ah in ciyaarta dib loo ciyaaro, sababtoo ah waa cillad farsamo oo natiijadii iyo habsami-socodkii saameeysay, haddii garsooruhu uu sidaas oo kale ku qirto. Duruufahaas ayaa ku wada xusan kiiskan.

Waxaa jira dhacdooyin hore oo kiiskan la mid ah sida mid ka dhacay Serie D, ciyaartaa ayaa dib loo ciyaaray kaddib khalad wayn oo farsamo oo uu sameeyay garsooraha dhex dhexaadinayey Ostiamare iyo Team Nuova Florida taasoo ku dhamaatay 4-0 laguna soo celiyay kaddib khalad garsoore oo halis ahaa (iyadoo la tuuray gool barbarro ahaa oo ay dhalisay kooxda martida ahayd).

Madaxweynaha Codacons oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan si rasmi ah u waydiisan doonnaa FIGC inay ku celiyaan ciyaarta, si loo ilaaliyo habsami u socodka tartanka ciyaaraha (Milan dhab ahaantii waxay u dagaalamaysaa Scudetto, khaladka noocaan ihina wuxuu u gaysanayaa dhaawac aad u wayn) iyo taageerayaasha, kuwaas oo xaq u leh inay daawadaan ciyaaro ka caaggan khaladaad farsamado.”

Hadalsame Media