DF Somalia oo durba xiriir la samaysay Dowladda UK xilli maanta laga doodayo aqoonsiga Somaliland

0

(Muqdisho) 18 Jan 2022 – Wasiir Dibadeedka DF Somalia, Cabdi Saciid Muuse, ayaa khadka telefoonka kula sheekaystey Wasiirka Arrimaha Afrika ugu qaybsan Britain, Vicky Ford, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, sida lagu faafiyey Twitter-ka WAD Somalia.

”Waxaan kala hadlay iskaashiyada dhinaca ammaanka, dhaqaalaha, kaalmada aadminnimo iyo waxyaabaha ka cusub Geeska Afrika. Waxaana hoosta ka xarriiqay inay Somalia u aragto dalka UK jaal qiime badan,” ayaa lagu bilaabay qoraalka.

”Somalia waxaa ka go’an xoojinta xiriirka ay la leedahay UK ee ku dhisan xushmad, madax bannaani gayi, madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada Somalia.” ayaa la raaciyey.

Qoraalka laguma xusin wixii ay sheegtay Vicky Ford waloow ay dabayaaqadii sanadkii tegey xustay inay taageersan tahay midnimada Somalia.

Tillaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu maanta Baarlamanka UK ka doodayo aqoonsiga Somaliland, lamana oga inay tillaabadani taas ka duulayso iyo in kale.


Hadalsame Media