Aabayaasha Soomaalida ee ku nool Jarmanka oo ay dhibaato ka haysato in lagu qoro ilmaha ay dhaleen (Dhegeyso)

0

(Berlin) 13 Jan 2022 – Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Germany ayaa dhigay bannaabax ay kaga cabanayaan tallaabooyinka dowladda Germany ay ku sheegtay inaysan aqoonsaneyn wax kasta oo document ah oo dadku ay ku caddeynayaan Soomaalinamadooda ee soo baxay waxii ka dambeeyay 1991-dii.

Dadka ayaa sheegay in warqadaha ay kasoo qaateen Safaaradda Somalia ee Jarmanka aanay cidina ka aqbalaynin, iyadoo la diido dokumenti kasta oo caddayn lahaa haybta gaarka ah ee qofka, taasoo adkaynaysa in ilmaha lagu qoro aabbohood sida uu qabo Dastuurka dalkaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale saamaynaysa qiyamka qofka ee dhanka canshuurta laga qaado qoyska oo ka yar midda guud, taasoo ah xuquuq ka maqan Soomaalida maadaama aan si rasmi ah la iskugu aqoonsanayn qoyska. Sidoo kale qofka ayaan loo aqoonsanayn inuu Somalia u dhashay.

Safaaradda Soomaaliya oo ayaa iyadana sheegtay in arrimahaasi ay wax ka jiraan balse ay wax ka qabtaan markii lasoo gaarsiiyo.

Hadalsame Media