Sweden oo kaddib markii uu Ruushku sheegay inaysan NATO ku biiri karin ciidan soo bandhigtay (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 13 Jan 2022 – Maadaama ay sii sara kacayso xiisadda Ruushka iyo Gaashaanbuurta NATO iyo ciidamada ay Ruushanku soo tubayaan xadka Ukraine, Ciidamada Xoogga Sweden ayaa haatan la geeyey gasiiradda Gotland ee dalka Sweden.

Wasaaradda Gaashaandhigga Sweden ayaa tillaabadan ku tilmaantay mid ‘’diyaar garow ah’’ maadaama ay haatan xiisadi ka taagan tahay dalalka gobolka sidaa darteedna ay tillaabadani taa waafaqsan tahay ama la gudboon tahay.

Tomas Ängshammar, waa Agaasinka Warfaafinta ee qaybta ciidamada Gotland ee P18.

“Wixii maanta laga bilaabo waxaa jiri doona roondooyin dibedda usoo bixi doona oo jidadka iyo meelo cayiman lagu arki doono, kuwaasoo ay mid tahay Visby,” ayuu yiri.

Sweden ayaan caadiyan ka tirsanayn Gaashaanbuurta NATO balse waxay la leedahay wadashaqayn, iyadoo ka carootey Ruushka oo diidmo ka muujiyey inay ururkaa ku biirto xitaa mustaqbalka.

Hadalsame Media