DEG DEG: Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saaray qodobbo ku saabsan doorashada & siyaasadda dibedda + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Jan 2022 – Kulan uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble, oo ah midka oddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa uu uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

”Mar uu ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda.

”Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

”Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.” ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media