XOG: Shirka wadatashiga oo ay berri kusoo biiri karaan dhinacyo aan horay uga qaybgelin

0

(Muqdisho) 08 Jan 2022 – Waxaa Muqdisho ka soconaya shir la sheegay in looga tashanayo sidii loo sixi lahaa khaladaad ka jira dhanka hab-socodka doorashada Somalia.

Shirka ayaa la sheegayaa in ay ku hor gudbanaayeen qodobbada qaarkood, sida ammaanka doorashada iyo midda dalka oo uu muran ka dhacay cidda la hoos gaynayo, waloow aanay arrintan marna si rasmi ah uga hadlin ka qaybgalayaasha shirku, iyadoo uu been abuur ku tilmaamay Afhayeenka Xukuumaddu.

”Kulankii maanta ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hadda ayuu soo dhammaaday waxaana socda latashiyadii ugu danbeeyay,” ayuu yiri Jaamac Dabarani oo ah Afhayeenka Maamulka Puntland.

”Berito ayeey isu soo laaban doonaan waxaana qorshuhu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.” ayuu raaciyey.

Inay shirka kasoo qaybgalaan metelayaal ka baxsan dhowrka nin ee haatan wad wadda ayaa waxay kordhinaysaa sharciyaddiisa, iyadoo marar badan lagu baaqay in lagu soo daro siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Hadalsame Media