WAR CUSUB: Ciidamada Ruushka oo la wareegay Garoonka Dayuuradaha dal Muslim ah oo horay uga tirsanaa Soofiyeetkii

0

(Astana) 08 Jan 2022 – Ciidanka Ruushka ayaa la wareegey Garoonka Dayuuradaha Almaty Airport (ALA) ee ku yaalla magaalada dalka Kazakhstan ugu wayn, laba maalmood uun kaddib markii ay halkaa ku qamaameen dibedbaxayaal dowladda kasoo horjeeda.

Wakaaladda Interfax ayaa shalay sheegtay in Ruushku uu ciidamo u duuliyey dalkaasi  Kazakhstan kuwaasoo haatan gacanta ku haya Gegada Almaty iyagoo kaalmaynaya kuwa amaanka Kazakha.

Dayuurado ay ka mid yihiin Lufthansa (LHAB) (LHA), ayaa hakiyey duullimaadyadii ay ku tegayeen ALA kaddib markii ay dibedbaxyo rabshaawi ihi ay ka keceen magaalooyinka dalkaasi Jannaayo 5, 2022, kuwaasoo ka cabanaya shidaalka oo cirka isku shareeray.

Waxaana xigtey inay sii xoogaystaan dibedbaxyada dalkan oo 30 sano kahor ka go’ay burburkii Soofiyeetka, iyadoo uu MW Kassym-Jomart Tokayev uu ugu baaqay dalalka kula jira heshiiska ammaan ee SCTO inay kasoo gaaraan, waaana dalalka Russia, Armenia, Belarus, Kazakhstan, Kyrgyzstan, iyo Tajikistan, si nidaamka loogu soo celiyo dalkan dhaca bartamaha Aasiya.

Dayuuradda calan-sidaha qaran ee Air Astana ayaa haatan sheegtay inay isla maanta soo celinayso duullimaadyadii Dubai iyo Moscow, iyo kuwii maxalliga ahaa ee Atyrau, Shymkent iyo Turkestan.

Duullimaadyadii kale ee caalamiga ahaa ee ay ku tegi jirtey Frankfurt, Germany iyo Kutaisi, Georgia ayaa iyaguna bilaabmaya isla maanta Janaayo 8, 2022, halka Istanbul la bilaabayo berri oo Axad ah.

Hadalsame Media