Kenya oo Badwaynta Hindiya ku fasaxday markab sida haraadi nukliyeer ah & Somalia oo ay sheegeen inay arrintaa halis ugu jirto (Xog muhim ah)

0

(Mombasa) 08 Jan 2022 – Kenya ayaa difaacdey go’aan ay ku fasaxday markab u socdey Zanzibar oo ay ku shixnadan yihiin walxo leh kaah-falka nukliyeerka, iyagoo ku andacoonaya inay raacayeen xeerka caalamiga ah.

Nairobi ayaa markabkan oo sida konteenarro 20-cagood ah oo lagu arkay xadi sare oo ah kaah-falka nukliyeerka waxay ku amreen inuu dib ugu laabto India iyagoo sheegay inay raaceen cahdigii Bamako Convention, kaasoo diidaya in Afrika loosoo dhoofiyo wax kasta oo halis oo ay ku jiraan kuwa nukliyeerka, kaasoo ay Midowga Afrika meel mariyeen 1991-kii, balse la hirgeliyey 1998-kii.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa sheegay inay ku amreen kabtanka markabkan oo la yiraahdo MV Seago Piraeus inuu xamuulkiisa dib ugu celiyo dekeddii laga soo saaray – Nhava Sheva Port ee India.

Ku Simaha Agaasinka Wakaaladda Dekedaha Kenya (KPA) ee Tony Kibwana ayaa sheegay inay u suuragashay ogaanshaha shixnaddan maadaama ay adeegsadaan iskaanno casri ah oo lagu ogaadey in konteenarrada ay ku jirto maadada Uranium.

KPA ayaa intaa raacisay in markabkani uu kusoo xirtey Mombasa Port 13-kii bishii tagtay ee Diseembar isagoo kasoo goostay Salalah Port oo ku taalla Cumaan, islamarkaana xambaarsan 4,196 konteennar, iyadoo uu iskaanku qabtay konteennar 20-cagood ah oo uu lambarkiisu yahay TCKU3337296 oo uu kaah-fal badani kasoo baxayey, iyadoo ay alaabtaan soo rartay shirkad Hindi ah oo la yiraahdo Shipper Prama Exports Limited c/o B117 Avon Arcade oo saldhigata Gobolka Maharashtra State gaar ahaan jidka Dj Road ee Mumbai taasoo alaabtan ku sheegtay shabaqa iftiiminta ee faynuusta matarmakiska, iyadoo ku socotey Hafidh Ali Hamad oo ku sugan Zanzibar.

The container was isolated on December 14 and reloaded the following day after Health ministry measures were taken to protect the crew from radioactive emissions.

U bandhiganka xaddi badan oo ah kaaf-falka nukliyeerka ayaa keeni kara dhibaatooyin ay ka mid yihiin maqaar guban iyo dhibaatooyin waqtiga fog ah oo caafimaad sida kansar iyo xanuunno xiidmaha wadnaha ah.

Khabiirka Andrew Mwangura, ayaa sheegay in sunta noocan ah lagu qubo Galbeedka Badwaynta Hindiya ay tahay dabeecad muddo soo socotey, balse ay haatan woxoogaa yaraatay kaddib markii ay arrintaa ka ololeeyeen kooxaha degaanku.

“Kalluumaysatada Badwaynta Hindiya, gaar ahaan Somalia, ayaa muddo dheer ka cabanayey in qashin lagu daadiyo xeebohooda taasoo keentay dhibaatooyin degaan, balse 5-tii sanadood ee tegey arrimahaasi hoos ayay u dhexeen.” ayuu ku dooday Mr Mwangura.

Si kastaba, lama oga in suntan dib loogu celiyey Hindiya iyo in lagu qubay xeebaha aan ilaalada lahayn ee Somalia.

Hadalsame Media