Dad Afrikaan ah oo qiray hal arrin oo aysan iyagu lahayn balse Soomaalida u sahasha inay ganacsiga ku guulaystaan (Daawo)

0

(Hadalsame) 08 Jan 2022 – Hilinka Youtube ee InAfrica ayaa barnaamij ka sameeyey ganacsiga Soomaalida ay sida sahalka ah u bilaabaan iyo sababta aysan Afrikaanku ugu gaarayn samaynta ganacsiyada yar yar.

Tebiyaha barnaamijka ayaa soo qaatay ganacsiyada ay Soomaalidu ka sameeyeen meelo badan oo dunida ah min Bariga Afrika, Koonfurta ilaa Imaaraadka iyo Ameerika.

Wuxuu xusay in Soomaalidu ay ganacsiga u bilowdo si ku dhisan aaminaad iyo kalsooni iyagoo aan inta badan raacin nidaamyada ciriiriga badan ee dulsaarka silsiladda oo kale ah wata ee ay u shaqeeyaan bangiyada Galbeedku, iyagoo haddii ay ku khasaaraanna ka socda, haddii ay ku faa’iidaana sii ballaarta.

Wuxuu xusay in Afrika inteeda kale ay dhibaato uga dhacday dhanka aaminaadda oo udub u dhexaad u ah wax kasta, iyadoo ay dadkii barnaamijkan ka faallooday oo Afrikaan meelo kala duwan kala jooga u badani ay Soomaalida oo inta badan xumaan uun laga faafiyo u qireen inay yihiin dad u badan kuwo aamin ah.

Hadalsame Media