”Waa inaan kuwooda burburinnaa!” – Dad Kenyan oo Twitter ka bilaabay been ka dhan ah Soomaalida Kenya & kuwa Somalia

0

(Nairobi) 08 Jan 2022 – Dad Kenyan ah ayaa Twitter-ka ka wada dacaayad ka dhan ah Soomaalida haatan hoostagta dalka Kenya ee deggan NFD ama Gobolka Woqooyi Bari, sida magac ahaan looga yaqaan Kenya.

Dadkan ayaa faafinaya dacaayad ku saabsan in madaxda Soomaalida ah ee Woqooyi Bari ay samaynayaan sheegashada weerarro ”been abuur ah oo lagu dhiirrigelinayo in Al Shabaab ay weeraraan anteenooyinka telefoonnada ee halkaa ku yaalla.”

Ujeedka arrintaa laga leeyahay ayay sii fasireen iyagoo ku micneeyey war u dhadhamaya been kale oo aad u wayn oo ah in ”Somalia ay maamusho anteenooyinkaas si ay gacanta ugu dhigto guud ahaanba anteenooyinka gobolkaa ku yaalla”, iyagoo ku baaqaya inaan arrintan la aqbalin.

Yeelkeede, marka caadiyan la eego anteenooyinka ku yaalla Gobolka Soomaalida ee Kenya hoostaga waxaa anteenooyinka iyo dhamaanba kaabayaasha isgaarsiineed ee ku yaalla iska leh shirkado Kenyan ah sida Safaricom, iyadoo taa biddaalkeeda ay marar badan dhacday in Ciidamada Kenya ee KDF ay burburiyeen anteenooyinka ku yaalla gudaha Somalia ee shirkadda Hormuud iwm, iyadoo dadka Kenyan-ka ah laftoodu ay beentan run u qaateen iyagoo ku baaqaya in la weeraro anteenooyinka Hormuud.

Dad Soomaali ah oo ay ku jiraan kuwa deggan gobolka la hadal hayo ayaa durba bilaabay inay beentan ka fal-celiyaan, waxaana haatan soconaysa dood kulul oo siyaasadaysan.

Hadalsame Media