Dhibaato isasoo taraysa oo dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysata Turkiga (Gabdhaha oo ugu sii daran & digniin ku socota waalidka)

0

(Ankara) 08 Jan 2022 – Waxaa sii kordhaysa Soomaalida ku silicsan dalka Turkiga kuwaasoo ay ugu daran yihiin kuwo la qabto iyaga oo tahriib ah iyo qaar ay siyaabo kale wax uga khaldameen.

Wiil ka mid ah dhallinyarada ku nool Turkiga ayaa baaq gaar ah u diraya waalidiinta Soomaaliyeed oo carruurtooda halkaa usoo diraya si ay uga sii gudbaan

“Dowlada Turkiga waxey adkeesay ka bixista tahriibka looga gudbo wadankeeda ee loogu gudbo Giirigga & Taliyaaniga,” ayuu qoraal wargelin ah ku bilaabay Sakariye Hurre oo ah dhakhtar halkaa ka shaqeeya.

“Waxaa xabsiyada wadankaan Turkiga ka buuxa dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo marka ay Dowlada Turkigu qabato ay xabsi geliso muddo bilooyin ah kaddibna usoo musaafuriso wadankoodii.

“Waalidka dhalay dhallinyaradaan waxaa uga soo baxdo kharash xooggan marka ay soo dirayaan dhallinyaradaas, sidoo kale marka la xiro wal wal & walbahaar ayay la seexan waayaan, haddaba waxaan waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aysan dhallinyarada usoo dirin halkaan, oo intii kharash ay tahriibaan ka bixin lahaayeen ay ganacsi ama dhul u geliyaan dhallinyarada, taas ayaa  uga faa’iido badan dhalinyarada & waalidka.

“Si gaar ah waxaan waalidiinta ugu baaqi lahaa in aysan marnaba Turkiga usoo dirin hablaha.” Ayuu raaciyey isagoo farta ku fiiqaya gabdho dhallinyaro ah oo halkaa ku dhibban qaarna ay ku hallaabeen.

Hadalsame Media