Dubai oo laga mamnuucay gebi ahaanba dayuuradaha ka imanaya Kenya (Arrin lagu qabtay)

0

(Nairobi) 08 Jan 2022 – Nidaamiyaha Duulimaadyada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Dubai ay mamnuucday dhammaan duullimaadyada soo gala iyo kuwa rakaabka ee ka yimaada Kenya sababtoo ah dadka safarka ah ee ka imaanaya Nairobi ayaa laga helay cudurka ‘Covid-19’ kaddib markii ay yimaadeen waddankan Bariga Dhexe, inkastoo ay siteen natiijooyin tijaabo ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe, ayaa u sheegay wargeyska Business Daily in qorshahan uu ku lug lahaa musuqmaasuq ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaas oo dadka safarka ah laaluush uga qaatay inay u soo saaraan natiijada Covid-19 PCR oo been abuur ah, si ay ugu caawiyaan safarka Dubai.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilowday baaritaan ku saabsan arrintan iyadoo la doonayo in lasoo saaro araakiisha caafimaad ee ku lugta leh heshiiskan foosha xun ee ay Kenya ku khasaaraty malaayiin shilin oo ah dakhligii rakaabka.

“Waxay mamnuuceen duullimaadyadii ka imaanayay Kenya sababo la xiriira natiijooyin been abuur ah oo COVID-19 PCR,” ayuu yiri Mr Kibe oo sidoo kale sheegay in dhowr waddan oo kale oo Afrikaan ah sidoo kale liiska casaanka lagu daray oo isha lagu hayo.

Mr Kibe wuxuu tilmaamay in Dubai aysan haysan wax ikhtiyaar ah oo aan ka ahayn inay mamnuucdo duullimaadyada rakaabka ka imanaya Kenya sababtoo ah maalin keliya ayay arkeen ilaa 20 “tijaabo oo been abuur ah oo Covid ah.”

Waxaa haatan soconaya wadahadallo, balse weli natiijo kama soo bixin.

Hadalsame Media