”Dalku ma aha inuu u fashilmo damaca indha la’aanta ah ee hal nin” – Xasan Sheekh Maxamuud

0

(Muqdisho) 07 Jan 2022 – MW hore ee Somalia ee Xasan Sheekh ayaa qoraal kooban kasoo saaray wadciga uu haatan dalku marayo, isagoo ku baaqay in la raadiyo xal waaqici ah.

”Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay xalal siyaasadeed oo ku salaysan in laga fikiro xaqiiqooyinka cusub iyo waaqica dhabta ah ee ka jira dhulka. Kuwa iska indhatiraya taariikhda dhow waxaa lagu xukumay inay mar kale fashilmaan,” ayuu ku bilaabay Xasan Sheekh.

”Soomaaliya ma awoodi karto inay markale u fashilanto hammiga indho la’aanta ah ee hal nin. Waxaan ku kalsoon ahay in sababaynta xal-doonka dhabta ah uu guulaysan doono xilligan adag ee ay dimoqraadiyadeenu ku jirto samaysanka.” ayuu raaciyey.

Somalia ayaa haatan maraysa marxalad xasaasi ah oo siyaasadeed taasoo ka dhalatay doorashada ragaaddey ee dalka, iyadoo uu MW haatan uu waqtigu ka dhamaaday 8-dii Febraayo 2021 oo haatan sanad ku dhowaad laga joogo, ilaa haatanna aan la dhamaystirin doorashadii Aqalka Hoose.

Hadalsame Media