2 khalad oo ku jirta tillaabada uu qaaday RW Rooble & mid qura oo la gudboon

0

(Muqdisho) 07 Jan 2022 – Ra’iisul Wasaaraha XFS, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta guddoomay deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay ee Somalia.

”RW ayaa Dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhow,” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay Xafiiska XFS.

”Ra’iisul Wasaare Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.” ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayay dadka u dhuul daloola siyaasadda xiriirka caalamiga ah ku tilmaamay mid lagu yara fududaanayo, waxaana jira 3 arrimood oo waawayn oo iskugu jira 2 aan looga baahnayn & mid la gudboon:

1 – Xiriirrada ka dhexeeya dalalku waa in aysan noqonin wax hadba ku xiran sida uu u arko qofkii meesha taagane loo baahan yahay xiriir ku dhisan dan qaran oo ay isla dejiyeen dad ehel u ah xiriirka diblomaasiga ah iyo arrimaha hoos gelaya. Mana aha in qiimaha ay Somalia ay ku fadhido oo dhami uu kusoo koobmo mid lagu iibsan karo dhowr kartoon oo kaalmo ah.

2 – Waxaa kale oo xilligan kala guurka ah aan sinnaba loogu baahnayn in lagu mashquulo xiriir dalal ka dhexeeya, sidoo kale Imaaraadku raalligelin ma mudna maadaama uu lacagta ku shidayey khilaaf iyo dhibaato siyaasadeed oo gudeed, xitaa haddii la raalli gelinaya ma aha go’aan haatan ku habboone waa in loo daayaa nidaamka xigaya ee sharciyadda buuxda u haysta arrimahaas oo ay isaga laftiisa tahay inuusan si shakhsi ah u wajihin umuurta, sida haatanba taagan ee ay Somalia xiriir la leedahay ama col la tahay hadba sida uu u arko ninkii Madaxtooyada jooga.

MIDDA LA GUDBOON

3 – RW Rooble waa in uu faraha ka qaadaa waxyaabahan oo idil ee uu tamartiisa isugu geeyaa doorashada iyo sidii ay u qabsoomi lahayd, waayo mar kasta oo uu arrimo badan dhex boodo waxaa laftiisa ka dhumaya dhadhankii ahaa inuu yahay nin lagu aaminey inuu dalka samatabixiyo iyo inuu muujiyo mas’uuliyad ka badan inuu la ficiltamo Farmaajo oo isagu ilaa xad ku fashilmay hoggaankii dalka waqti-xaadirkan.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media