Bankiga Dhexe oo lagu wargeliyey inuusan bixinin lacagta laga hayo Imaaraadka

0

(Muqdisho) 07 Jan 2022 – Warqad kasoo baxday Madaxtooyada DF ayaa lagu dalbaday in aan Bankiga Dhexe laga saarin lacag laga qabtay Imaaraadka Abriil 2018-kii.

Lacagtan oo ahayd 9.6milyan oo doollar ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde iyadoo ay DF Imaaraadka xilligaa ku eedaysay inay u adeegsanayeen abuurista qalaanqal siyaasadeed.

Warqaddan oo lagu hagaajiyey Guddoonka Bankiga Dhexe ayaa lagu amray in aan lagu bixinin amarka hal qof iyadoo aan la marsiinin nidaamka dalka, sida uu warku u dhigan yahay.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay cakiraanta doorashada dalka, iyadoo haatan uu Muqdisho ka socdo shir xarig-jiid ah oo la isku mari la’yahay.

 

Hadalsame Media